Waftigii Madaxwayne Siilaanyo Hogaaminayay Oo La Filayo Inay Maanta Dalka Dib Ugu Soo Laabtaan.

0
962

Waftigii uu hogaaminayay madaxwaynaha somaliland mudane Axmed Maxamed maxamuud “Siilaanyo” oo muddo 20 cisho ah safaro ugu maqnaa dalalka Imaaraadka Carabta iyo UK ayaa la filayaa inay maanta oo isniina dalka somaliland dib ugusoo laabtan.

waxaana sida wararku sheegayaan ay magaalada London oo muddo ay waftigani ku sugnaayeen ay kasoo baxeen galinkii danbe ee shalay iyaga oo usoo jihaystay dhankaa magaalada hargeysa ee caasimada dalka somaliland.
waxaana madaxwaynaha socdaalkan uu ku tagay dalka ingiriiska ku wahelinayay xubno kamida golahiisa wasiirada iyo musharaxa madaxwayne ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Waftigan ayaan intii ay ku sugnaayeen dalka ingiriiska aan wax kulan ah la qaadan madaxda dalka ingiriiska oo wakiilka ka ah beesha caalamka,kuwaasi oo ka dhawaajiyay inay saluugsan yihiin in la kala qaado labada doorasho ee golaha wakiilada iyo baarlamaanka ,isla markaana dhawr dhambaal usoo direy madaxwayne Siilaanyo ayna kaga codsadeen inuu ka noqdo go’aanka kala qaadista labada doorasho.