Komishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Ay Caqabadi Ka Haysato Safar Ay Ku Tagi Lahaayeen Dalka Kenya + Ujeedada Safarkooda.

0
754

Gudida komishanka doorashooyinka qaranka somaliland ayay caqabadi ka haystaa safar u qorshaysnaa inay ku tagaan dalka Kenya,halkaas oo ay damacsanaayeen inay kulan kula qaataan qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka.

Lama garanayo sababta rasmiga ah ee ay komishanka doorashooyinki u tagi la yihiin safarkaasi,hase’yeeshee warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya inay dhinacooda ka xaniban tahay safarku,halka ay warar kalena sheegayaan in dhinaca qaadhaan bixiyayaasha ay caqabadu kaga timi.
Xogaha ugu miisaanka culus ayaa sheegaya in sababta ugu wayn ay tahay todobada xubnood ee komishanka oo doonaya inay is wada raacaan dhamaantood,kuwaas oo kala sita baasabooro kala duwan isla markaana qaarkood aanay haysan Fiise.

Arrintan ayaa hakad galisay tagitaankii xubnahan,waxaana dartood u xaniban qorshayaashii qaadhaan bixiyayaashu kala hadli lahaayeen si xal looga gaadho caqabadaha u dhaxeeya somaliland iyo qaadhaan bixiyayaasha maadaama ay dib u dhacday doorashadii golaha wakiilada somaliland ee ay ku dhagsanaayeen.

Komishanka doorashooyinka ayaan wali go’aankii maxkamadda sare u gudbin golaha guurtida,waxaana la filayaa inay la sugayaan bisha ugu danbaysa ee Febarwari ee sanadka 2017-ka,xiligaas oo ay bil ka dib qorshaysnayd markii hore in mar la wada qabto labada doorasho.