“Annagaa Shalay KULMIYE Ahayn Oo Xisbigaasi Waxba Ma Kharribin’e Halkii Uu Dhigay Baynu [Maanta] Ka Qaadaynaa Oo….”

0
981

Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Ayaa Ka Markhaati Kacay Waxqabadka Xisbul-Xaakimka KULMIYE, Waxana Uu Tilmaamay In Baahi Loo Qabo Sidii Waxqabadka KULMIYE Halka Uu Haatan Taagan Yahay Looga Sii Ambo Qaadi Lahaa.

Ex. Wasiir Xirsi Oo Ka Hadlay Madal Uu Xisbiga WADANI Ku Qabsaday Magaalada Hargeysa, Ayaa Meesha Ka Saaray Odhaahyada Hoos U Dhiga Waxqabadyada Xisbiga KULMIYE, “KULMIYE Waxba Ma Kharribin Oo Annagaa Shalay KULMIYE Ahayne Halkuu Dhigay Baynu Ka Qaadaynaa Oo Meel Ka Fog Baynu Gaadhsiinaynaaye.” Ayuu Yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo Kale Waxa Uu Ex. Xirsi Ka Hadlay Mansabka Hoggaamiyenimo Ee La Abaabulayo In Isaga Dhawaan Loo Magacaabo, Waxana Uu Muujiyey Hammuunta Uu U Qabo Inuu Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Noqdo, Waxana Uu Yidhi,“Qolada Guddoomiyaha Ka Shakisan Waxan Leeyahay Waar Hoggaamiyenimada Ma Idiin Beddelaa Oo Hadduu Yara Qurux Bato Ma Idiin Beddelaa Oo Kan Kaleba(Guddoomiye) Ma Qaataa Oo Hoggaamiyaha Cabdilqaadir Ma U Dhiibaa.”

Hadalka Kasoo Yeedhay Ex. Wasiir Xirsi  Ee Uu Ku Dhiirigelinayo Waxqabadka Xisbiga KULMIYE, Ayaa Markhaati Ka Ah Sida Aanu Xirsi Marnaba Ugu Dhiirran Karin Inuu Wax Ka Sheego Xisbigii Uu Ka Faa’iiday Ee KULMIYE, Waxana Soo Baxaya Sida Aanay Qolyaha Mucaaridka Ah, Gaar Ahaan Xisbiga WADDANI Marnaba Ula Dhici Doonin Hannaanka Aan La Iska Indho Tiraynin Waxqabadka Xisbiga KULMIYE.

Kaadirka WADDANI Oo Badankoodu Kasoo Tirsanaayeen Xukuumadda Talada Haysa, Balse Aan Weligood Afkooda Laga Maqlin Inuu KULMIYE Wax Qabtay, Ayaa Hadlakaas Si Weyn U Dhibsaday, Waxana Taas Laga Dheehan Karayey Wejiyadooda Oo Isbeddelay Markii Uu Xirsi Qiray Waxqabadka KULMIYE.

Ex. Wasiir Xirsi Oo Khudbaddiisii Ugu Horraysay Tan Iyo Markii Uu WADDANI Ku Biiray  Marka Laga Reebo Maalintii Uu Xisbigaas La Midoobay Ku Daah Furay Waxqabadka KULMIYE, Ayaa Waxa Kasii Warwarsan Xubnaha Awoodda Is Bida Ee Xisbigaas Katirsan, Kuwaas Oo Indhaha Xabag Soo Marsada Marka Ay Ka Hadlayaan Xaaladda Waddanka, Isla-Markaana Bulshada U Sheega In Waxyeello Mooyaane Aanu KULMIYE Dalka Wax U Qabanin, Ayaa Muujinaysa Inaanu Xirso Duuxin Doorka Mucaaradda Indho La’aanta Ah Ee Uu Xisbigaasi Xiisaha U Qabo.