Musharraxiin U Tanaasulay Axmed Muumin Seed & Xogo Iftiiminaya In Xisbiga WADDANI Uu Door-bidayo Diktoor Maxamed Cali Cabdi

0
793

“Ragga Tartamayaa waa Rag Tol ah oo Ilmaadeer ah oo isku Gobol ah, ha u tartamaan si aan Xanaf lahayn…” Prof. Geedoole

Waxa soo kordhaya Ololaha Musharrixiinta Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI ugu jiraan hanashada taageerada iyo Codka Xubnaha Golaha dhexe.

Tartanka Musharraxnimada Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI oo ay iskugu soo hadheen Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbigaas Axmed Muumin Seed iyo Dr. Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa waxay bilaabeen kala jiidashada Xubnihii hore ugu sharaxnaa Madaxweyne ku-xigeenka ee ka soo jeeda Beeshooda, waxaana bilaabmay in Xubnaha taageeradooda la kala jiidanayo qaarkood u tanaasulaan Axmed Muumin Seed isla-markaana ballan-qaadaan inay codadkooda siin doonaan Axmed Muumin Seed marka la gaadho Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI oo la qabanayo 19-ka bishan oo Saddex Maalmood innaga xigaan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo xubno uu ka mid yahay ku qabteen Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inuu u tanaasulay Axmed Muumin Seed, Wallow aan isaga Laftiisa la ogeyn Goorta uu iclaamiyey Musharraxnimadiisa.

Geedoole, oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Axmed Muumin Seed ma Tanaasulayo ee Annagaa u Tanaasulnay, waana Ninka Xaqa u leh Musharraxa Madaxweyne Ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI ee soo aasaasay. Anigoo wata Koox xoog leh oo isbahaysiga ah, haddana waxaan qaddariyey Axmed Muumin Seed, Rag badan oo kalena way iga Tanaasuleen. Waxaan rejaynayaa in Doorashadu noqon anigaa yar iyo anigaa badan.”

Faarax Cilmi Geedoole, waxa kale oo uu sheegay, “Ragga Tartamayaa waa Rag Tol ah oo Ilmaadeer ah oo isku Gobol ah, ha u tartamaan si aan Xanaf lahayn, Dadka codeynayaana Xor bay u yihiin cidda ay codkooda siinayaan..”ayuu yidhi.

Cabdi Maxamuud Ismaaciil oo ka mid ah Musharrixiinta u tanaasulay Axmed Muumin Seed, ayaa isaguna Shirka Jaraa’id ka sheegay, “Bishii hore ayay ahayd markii aan shaaciyey inaan u tartamayo Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI. Muddo ka yar ka dib waxa igu soo kordhay cadaadis ka yimid Gadabuursiga oo ku dabaqeysa Xeerkii soo jireenka ahaa, kuwaas oo iga codsaday inaan Xeerka iyo Cadaaladdaba tixgeliyo, taasoo ku salaysan Saddex Bilood oo Gadabuursi ka kooban yahay in laba beelood soo mareen Xil ka qabashada Somaliland, beelahaas oo ah Makaahiil, Maxamed-casse iyo Habar-carfaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Maanta maaddaama oo uu jiro Nin soo taagnaa Aasaaskii Xisbiga WADDANI oo ka soo jjeeda Beesha Habar Carfaan waxay Taageerayaashayda iyo Guurtida Beeshaydu inaan Ninkaa (Axmed Muumin Seed) uga Tanaasulo, waanan aqbalay oo waan u tanaasulay.”

Dhanka kale, Inkastoo Siyaasiyiintani sheegeen inay u tanaasuleen Axmed Muumin Seed, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Xisbiga WADDANI uu Musharraxa Madaxwayne ku xigeen ee rasmiga ah uu  la damacsan yahay inuu Noqdo Digtoor  Maxamed Xaaji Cali Cabdi.

Warar uu Wargeyska HIMILO ka helay Masuuliyiin sar-sare oo ka mid ah Xisbiga WADDANI, balse ka cudur-daartay in Magacyadooda la sheego, ayaa sheegay in Musharraxa Madaxwayne ee xisbiga Waddani uu isku raacay yahay Digtoor Maxamed Cali Cabdi.

Wararka aanu ka helayno masuuliyiintaasi waxay intaasi ku darayaan in Axmed Muumin Seed oo ah Guddoomiye ku xigeenka Xisbigaasi ee Wakhtigan aan loo dooran doonin Musharraxa Madaxwayne ku-xigeenka ee Xisbiga Waddani uga qayb-galaya Doorashada Madaxtooyada ee 2017ka marka la gaadho Shirka Golaha dhexe ee Xisbigaas, wallow aanay jirin Sabab Muuqata oo Masuuliyiinta Warkan aanu ka helay ay u cuskanayaan in aan la dooranayn Mr. Seed.