Ing Cali Xoor Xoor Mareeyihii hore ee Dekada Berbera oo beeniyey i uu kubiirayo Xisbiga Wadani

0
1151

Maareyihii Hore Ee Dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxor) Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay War Lagu Baahiyay Warbaahinta Qaarkeed Oo Shegaayay Inuu Ku Biirayo Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani.

Maareye Cali Xoorxor Oo Ku Sugan Dalka Itoobiya Ayaa Khadka Tilifoonka Ugu Waramaayay Qaar Ka Tirsan Warbaahinta Ayaa  Sheegay In Aan Warkaas Warbaahinta Qaarkeed Qortay Ee Sheegaya Inuu Xisbiga Waddani Ku Biirayo Waxba Ka Jirin Cidii Qortayna Ay Iska Qortay Waxaanu Yidhi”Waxan Ku Suganahay Dalka Itoobiya Oo Aan Hawlo Iigaara Ujoogaa Aniga Iyo Qoyskaygu Warkaas La Leeyahay Cali Xoorxor Baa Xisbiga Waddani Ku Biirayana Waxba Kama Jiraan.

Eng Cali Cali Xoorxor Oo Hadalkiisa Siiwata Ayaa Waxa Uu Yidhi”Anigu Waxan Katirsanahay Dawlada Iyo Xisbigeeda Oo Aan Lasoo Shaqeeyay Hadana Aan La Shaqeeyaa Markaa Qolyaha Warkaas Qoray Waxan Leeyahay Adeer Intaydaan Warka Baahin Horta Xogta Rasmiga Ah Raadiya Cid Ay Khusaysana Wax Ka Weydiiya Si Warkiinu Unoqdo Mid La Hubo.

Maareyihii Hore Ee Dekeda Berbera Eng, Cali Xoorxor Ayaa Kamid Ah Siyaasiyiinta Ugu Miisaanka Culus Gobolka Saaxil Xiligan

Waana Masuul Aan Looga Baranin Inuu Mucaarado Markastana Waxa Uu La Shaqeeyaa Xukumada Joogta Ee Maamulka Dalka Hogaamisa.