Mid ka mid ah dalalka Yurub ee qaabili jiray Qaxootiga ayaa waji cusub la soo baxay kaas oo Niyad jab weyn ku riday Dad Soomaaliyeed oo dalkaas ku noolaa ku dhawaad 10 sano .

Wadanka Denmark ayaa soo bandhigay sharci iyo qorshe cusub oo in ka badan 1.200 oo qofood oo Soomaali ah lagu celin doono gudaha dalka Soomaaliya kuwaas oo sidoo kale lagala laabanayo sharciyo yar yar oo ay ku joogeen dalka Denmark .

Qorshahaan cusub ayaa waxaa ka hor yimid Hay´ado u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Denmark , Waxaana shir ay qabteen eedeyn kulul loogu soo jeediyay dowlada Soomaaliyeed oo dalka Denmark Qarash kaga qaadatay sidii loo soo celin lahaa dadkaan .