CAYNABO: Laba Qof Oo Ku Dhaawacmay Rasaas Ciidammada Booliisku Ku Kala Eryayeen Dad Reer-guuraaya Oo Boobay Raashin Mucaawimo Ah Oo Loo Qaybinayey

0
748

“Dadka dhaawacmay waa Laba Nin, waxaana dhaawacay Booliiska, Badhasaabka Gobolkuna Wuxuu Amray In La Xidho Ciddii Ridday Rasaasta….” Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Saraar – Wareysi Gaar Ah

Inta la ogyahay Laba Qof oo Rag ah, ayaa ku dhaawacmay Rabshad Shalay ka dhacday Magaalada Caynaba ee Xarunta Gobolka Saraar ee Somaliland.

Labada Nin, ayaa ku dhaawacmay Rasaas ay rideen Ciidammada Booliiska Caynaba oo kala kaxaynayey Dad lagu sheegay Reer Guuraa oo Boobay Raashin Mucaawimo ah oo qayb ka ah Mucaawimo Dawladda Turkigu ugu yaboohday Dadka Somaliland.

Rabshadda Dadku ku dhaawacmeen, ayaa bilaabantay markii la bilaabay in la qaybiyo Raashinka Mucaawimada ah oo la dhigay goob ku taalla koonaha Magaalada Caynaba, ka dib markii Dad ka mid ahaa kuwii Mucaawimada loogu talo-galay bilaabeen inay boobaan Raashinka, hasa-ahaatee Booliiskii ilaalinayey raashinka iyo nidaamka qaybintiisa ayaa Rasaas ay ugu talo-galeen inay ku kala eryaan Dadka Boobka sameeyay waxay dhaawacday Laba Nin sida uu xaqiijiyey Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar Ibraahim Jaamac Maxamuud oo Xalay Wargeyska Himilo ugu warramay khadka Telefoonka.

“Dadka dhaawacmay waa Laba Nin, waxaana dhaawacay Booliiska.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxay Rabshaddu ka dhacday Raashin Mucaawimo ah oo loogu talo-galay Dadka reer Guuraaga ah, Dadkii baa Raashinkii kala boobay, dabadeedna Booliiskii meesha joogay baa Rasaas riday waxaana ku dhaawacmay laba Nin, laakiin ma jirin Dad Shacab ah oo meesha Rasaas ka ridday, ee Taxadar-daro xagga Booliiska ahina way jirtay.”

Badhasaab ku-xigeenka Gobolka Saraar wuxuu sheegay in Labadii Nin ee dhaawacmay lagu daweynayo Cisbitaalka Guud ee Burco, “Labadii Nin ee dhaawacmay Cisbitaalka Burco ayay yaallaan oo lagu daweynayaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Badhasaabku amray in la xidho Booliskii riday Rasaasta Dadku dhaawacmeen, “Badhasaabku wuxuu amray in la xidho Booliiskii rasaasta meesha ka ridday, inta la baadhayo Cidda Dilka geysatay, Waayo? Booliisku Xaq buu leeyahay, Shacabkuna Xaq buu leeyahay, Cidna Xaq-daro la saari maayo.”

Wasiirka Dib-u-dejinta Cali Siciid Raygal, Wasiirru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada oo goobta dhibaatadu ka dhacday joogay isla-markaana aanu la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga waydiinno ayaa ka jawaabi waayay Telefoonnadooda Gacanta, halka badhasaabka Gobolka Saraar iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaas oo Telefoonnadooda Gacanta aanu kala hadalnayna ka gaabsadeen inay ka jawaabaan Su’aalihii Wargeyska Himilo ka waydiiyey Rabshadda Dadku ku dhaawacmeen