Musharaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa beeniyay wararka sheegaya in Guddoomiyaha Xisbigaasi Cabdiraxmaan Cirro uu taabacsanyahay Musharaxnimada Maxamed Cali Cabdi, oo ay ka wada sharaxan yihiin Xisbiga Ucid.

Axmed Muumin Seed, waxaa kale oo uu fariin u diray Cabdirashiid Xasan Mataan oo sheegay inuu wado abaabul lagu taageerayo Musharaxa la tartamaya kursiga madaxwayne ku xigeenka ee Xisbiga Waddani.