Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Guddoomiyaha Cusub Ee Xisbiga WADDANI Cabdiqadir Jirde.

0
873

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, ayaa beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo arrimo caafimaad u joogo dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in madaxweynuhu u joogo hawlo shaqo islamarkaana uu caafimaad qabo.

Wasiir Saxardiid, oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog oo nuxurkiisu ahaa in safarka madaxweynuhu la xidhiidha baadhitaan caafimaad. “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland wuu caafimaad qabaa, halkaasna wuxuu u tagay hawl qaran, Wasiiro badan baa la jooga, Siyaasad qudha maaha, Maalgashi baa laga wada hadlayaa, waxa laga hadlayaa sidii dalka loo maalgalin lahaa, loona horumarin lahaa, Madaxweynuhuna hawl qaran buu u baxay, dalka Ingiriiskana waa dal aynu xidhiidh wanaagsan leenahay, oo jaaliyada ugu badan ee Somaliland ku nool yihiin. Madaxweynuhuna wuxuu u jeediyey khudbad aad u qiimo badan, markaas sannadkani waa sanad siyaasadeed, oo sannadkii siyaasada ayaa lagu jiraa, oo Mucaaradku waxay doonaan ayey odhanayaan, laakiin Madaxweynuhu wuu caafimaad qabaa, ILLAAHAYNA waxaanu uga baryeynaa inuu caafimaadka u sii siyaadiyo”. ayuu idhi Wasiir Cadaani.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ayaa ka hadlay isbahaysiga Kulmiye ee ku biiray Waddani, waxaanu sheegay in aanay Xisbiga Kulmiye waxba u dhimayn u biirista ay ku biireen Waddani, waxa se uu soo dhaweeyey xilka Guddoomiyaha Waddani ee Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanu sheegay in Cabdiqaadir Jirde xilkan u qalmo, yahayna masuul taariikh ku leh dalka, balse wuxuu sharci daro ku tilmaamay xilka hogaamineed ee Xisbiga Waddani.