Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Qorshaysay Tallaabooyin Lagu Xakamaynayo Qishka Imtixaanaadka Shahaadiga Ah.

0
276

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa shaacisay in imtixaanaadka shahaadiga ah ee Fasallada sideed iyo afraad ee dugsiga sare la adkayn doono ilaaladooda, islamarkaana dagaal kama dambeys ah lala galayo kala eegashada ama Qishka imtixaanka, kadib markii saddexdii sanno ee u dambeeyay ilaalada Imtixaanku hoos u dhacday.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sanadkan gacan adag lagu qaban doono, sidaasi darteedna loo baahan yahay in ardayda xilligan fasalladaasi ku jirtaa aanay ku xisaabtamin.

Wargeyska Warsugan ayaa u kuur galay heerka uu gaadhsiisan yahay qishka ama kala eegashada Imtixaanka, waxaana u waramay arday, macallimiin iyo masuuliyiin wasaaradda waxbarashada muddo dheer ka soo shaqaynayay. Wargeyska ayaa ogaaday in ilaalada imtixaanku fashilantay, islamarkaana macallimiinta ilaalisa imtixaanka iyo kuwa dibada ka joogaaba qayb ka yihiin in ardayda looga shaqeeyo imtixaanka. Kala eegashada ayaa wakhtigan loo adeegsadaa shabakadda bulshadu ku xidhiidho ee WhatsApp-ka, taasi oo imtixaanka oo la sawiro loogu diray macallimiin, islamarkaana ay ardayda dib ugu soo diraan iyadoo laga soo shaqeeyay su’aalaha. Wasaaradda ayaa qorshaysay in khadka isgaadhsiinta laga gooyo goobaha imtixaanka, islamarkaana la qaado tallaabooyin ay ka mid tahay lacag loo kordhiyo macallimiinta ilaalisa ardayda oo hore qiimo yar oo 15-20 doolar ahaa.

Cabdiqani Axmed Daa’uud oo sanadkii u dambeeyay ka baxay dugsiga sare ayaa sharaxaad ka bixiyay habka Imtixaanaadka ay uga shaqaynayeen, waxaanu sheegay inaanay cidna waxay baratay kaga shaqayn balse ay helayeen ardaydu imtixaanka oo macallimiini ka soo shaqaysay “ Waxaa la isticmaalayay Whats App-ka, markaa ardaydayada waxaa guddoomiye u ahaa hal arday, kaas ayaana intuu sawiro Imtixaanka u dirayay macallimiin meel noogu diyaarsanaa, kadibna waxaa imtixaanka oo ka shaqaysan naloo soo dhigayay Whatsapp group-ka, halkaas ayaanu arday walba ka helayay imtixaankii oo ka shaqaysan,” ayuu yidhi Cabdiqani.

Cabdiqani wuxuu sheegay in macallimiinta ilaalinaysay iyo ardaydu is afgarteen, islamarkaana halkii ay qishka ka ilaalin lahaayeen ay ka ilaalinayeen maamulaha(supervisor-ka) “Waxaa nala shaqaynayay macallimiinta na ilaalinaysay, bilaashna nagumay ilaalinayn ee lacag ayay naga qaadanayeen. Macallimiintu anaga namay ilaalinayn ee waxay naga ilaalinayeen maamulaha, marka uu nagu soo socdana waxay nagu dareensiinayeen Suul-dhabaale, taas oo qof walba aamusayay, telefoonkana xaraysanayay,” ayuu yidhi Cabdiqani oo intaasi raaciyay “Arday walba wuxuu sugayay imtixaanka dibada lagaga soo shaqaynayo. Markii qishka aanu aragnay kalsoonidiiba way naga luntay oo wixii aanu soo xafidnayba iskumaanu hallayn.”

Guddoomiye xigeenka guddida imtixaanaadka Qaranka, Xasan Muxumed qalinle, ayaa Warsugan u sheegay in saddexdii sanno ee u dambeeyay uu faraha ka baxay Qishka imtixaanka shahaadiga ahi “Xafiiskan intii la sameeyay, eegashada Imtixaanku aad bay u yaraatay oo waa lala tacaalay laakiin, saddexdii sanno ee u dambeeyay ayaabay Ardaydii caado ka dhigatay inay qayb Imtixaanka ka mid ah eegashada(Qish) ka dhigtaan. Waxay qorshe ka dhigteen inuu waxbarashada inna akhriyo, inta kalena eegashada ku darsado. Taasi waxay noqotay mushkilad,” ayuu yidhi guddoomiye xigeenku.

Waxa uu sheegay in hadda qishku ka gudbay waraaqo ama buugaag la isticmaalo“ Awal hore waraaqo yaryar ayay isu tuurtuuri jireen, hadda se Waxa caawiyay isgaadhsiinta casriga ah(tignoolajiyadda). Waxay noqotay in qaybta goobo galida ah ee Imtixaanka oo jawaabtoodu fududahay ay si dhib yar isugu gudbiyaan. Waxaa taas ka sii daray shabakadaha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka, gaar ahaan wax watis ab la yidhaa(Wats App) oo imtixaanka gabigiisaba inta la sawiro, dibadda loo diro oo inta laga soo shaqaynayo ardaygu sugo, kadibna isagoo ka shaqaysan dib loogu soo dirayo ayaa baryahan dambe soo galay,”

Waxa uu sheegay in dedaallo sanadkii u dambeeyay la sameeyay lagu guuldaraystay “Sanadkii u dambeeyay baadhis adag baa la sameeyay. Waxa la keenay qalab Moobilada sheegaya oo Innamada lagaga reebayay laakiin, waxay u dhiibteen hablaha oo dhaqan ahaan aan aad loo baadh-baadhin, taasina waxay keentay in isagoo la soo baadhay haddana telefoonkiisii gudaha u gudbay. Mashaakilaadka na kala haysta ilaalinta iyo qishka ardaydu wuu balaadhan yahay, markaa sanadkan waxaa qorshaha noogu jirta oo wasiirka Waxbarashadu go’aamiyay in la keeno qalabkii xarumaha Imtixaanka lagu galayo bilaa atayn ka dhigayay (Khadka isgaadhsiinta ka jarayay), waana dagaalkii u dambeeyay ee qishka lagu joojinayo,” ayuu yidhi Mudane Xasan Muxumed.

Waxa uu sheegay in arday kasta oo isku dugsi ahiba samaysatay kooxo (Groups) isku xidhan, islamarkaana kaashada macalimiin damiirkoodu siiyay inay ku caawiyaan qishka “guruubyo Whats App ah ayay samaysteen oo kala iskuulla ah, waxaanay u yeedhanayaan macallinkii kadeedna oo hawsha qishka la galaya. Waxa naloo sheegay in sanadkii u dambeeyay ay kooxo macallimiin ahi baabuur saarnayeen oo kolba meel istaagayeen,” ayuu yidhi Mudane Xasan.

Hase ahaatee, Dayib Axmed Mire oo muddo dheer bare ka soo ahaa dugsiyada dawliga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo Jaamacaddaha Hargeysa qaarkood, ayaa sheegay inay jiraan duruufo macallinka ku kallifaya inuu ilaalin kari waayo ardayda imtixaanka ku jirta. Waxa duruufaha ka mid ah amniga macalimiinta, dhaqaalaha la siiyo iyo xulashada macalimiinta oo aan marka hore laga baaraan degin, laguna xulan daacadnimo iyo karti. Waxa kale oo uu sheegay inaanay Maamuleyaasha goobaha Imtixaanku ahayn kuwo ka siman inay si buuxda u ilaaliyaan imtixaanka.

Waxa uu sheegay inaanu jirin ballan iyo hab ilaalineed maamuleyaashu ka siman yihiin, taasina keenayso in ardayda qaarna ilaalada laga khafiifiyo, qaarna lagu adkeeyo“Haddii wax laga qabanayo ilaalada Imtixaanaadka iyo sidii loo gaadhi lahaa caddaalad waxay iigu muuqataa: in ugu horayn Maamuleyaasha (supervisors) xafiiska Imtixaanaadku u soo xulanayo ay noqdaan kuwo si fiican ugu caddaalad samaynaya ardayda. Waxaan u jeedaa haddii, maamule si fiican u ilaaliyo, midna ardayda u khafiifiyo ilaalada, meesha caddaalad darro ayaa kaga imanaysa ardayda. Marka Imtixaanka ay ka baxaan ee is waraystaan, kuwii lagu adkeeyay waxay abuurayaan buuq ah in laga khafiifiyo ilaalada,” ayuu yidhi Macallin Dayib.

Waxa kale oo uu sheegay in dhib ka jiro dhinaca xulashada macallimiinta imtixaannada ilaalinaysa “Dhinaca macallimiinta, waa in wasaaraddu xulato macallimiin ammaano leh. Maalmaha imtixaanka waxaa kuyuu u gala ilaalinta macallimiin aan u qalmin, inkasta oo macallimiin wanaagsanna jirto laakiin, macallimiinta aan u qalmin waa qaar balwad leh oo laga yaabo inuu is yidhaa ‘ kharashka aad qaadanaysaana kuguma filna’ dabeedna carruurta yidhaa ‘Saadkaygu waa kaas, maamulahana anaa idinka ilaalinaya’ markaa si taas looga hor tago waa in macallinku noqdo mid xul ah oo ammaano leh,” ayuu yidhi Macallin Dayib

“Qishku muddo ayuu soo jiitamayay, waxaan ku talin lahaa inta wax haggaagayaan, in macallinka amnigiisa la damaanad qaado oo ugu yaraan gurigiisa la geeyo laakiin, iyadoo ay jiraan arday uu imtixaan ka kansalay,mid uu imtixaanka ku adkeeyay, in haddana la yidhaa laba kun oo arday oo la sii daayay dhex lugee oo gurigiisa oo daantaas ah ha tago dhib bay ku keenaysaa, waxaana iska jira dad ciyaala xaafad ah oo ardaydaba aan ahayn oo la odhan karo kaas baa imtixaanka nagu adkeeyay, waana goobaha la geeyo askar ku filan oo amniga ilaalisa,” ayuu yidhi Macallin Dayib Axmed Mire.

Geesta kale, Cabdillaahi Yaasiin Diiriye oo muddo dheer ku soo dhexjiray waxbarashada, haddana ah madaxa waaxda horumarinta Manaahijta ee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegay inay kala eegashada imtixaanku hoos u dhigtay tayada waxbarashada “Waxan la yidhaa isku kalsoonida ubadka waxbarashada ku dhex jira, waxaa laga soo bilaabaa fasallada ugu hooseeya. Barbaarintaasna waxaa masuul ka ah macallimiinta umadda oo ardayda bara sida imtixaanka loo galo, sida wax loo akhristo, sida la isugu kalsoonaado marka imtixaanka laga shaqaynayo laakiin, haddii aan ardaydii Fasalka koobaad ilaa dugsiyada sare aan la soo barin isku kalsoonida oo aan imitixaanno laga soo qaadi jirin, dee ardaygii oo aan is hubin oo aan isku kalsoonayn inuu wax garanayo iyo in kale ayuun baa xaggii sare lagu odhanayaa imtixaan baa lagaa qaadaya, markaas ayuu ku fikirayaa oo isku hallaynayaa tolow sideed wax u qishtaa, sababtoo ah imtixaanka laguma soo barbarian,” ayuu yidhi Cabdillaahi Yaasiin

Isagoo sii hadlaya wuxuu sheegay inay saamayn taban ku yeelatay waxbarashada imtixaanaadka sahalka lagu dhaafayaa“Saamayn weyn bay ku yeelanaysaa tayada waxbarashada. Haddii aan imtixaanaadka la dhicin, ardaygu wuxuu odhanayaa hadhawna dhici maysid marka aad fasalka 8-aad ama 4-aad eedugsiga sare gaadho. Haddii se la dhacayo arday walba wuu dadaalayaa oo wuxuu odhanayaa “yaanad ceebayn waalidka, yaanad ceebayn, macallimiintaadii, yaanad ceebayn iskuulkaagii’ markaa saamayn way bay aqoontii ku yeelanaysaa haddaan imitixaanaadka la adkayn oo waxaa meesha ka baxaya dadaalkii ardayda ee waxbarasho.

Comments

comments