Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Sheegay in Maamulkii Dhulku ka Baxay Gacanta Dawladda.

0
785

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa sheegay in kiisaska maxkamaduhu ay u badan yihiin isku murranada dhulka.

Guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in sababta kordhisay muranka dhulku uu ka dhashay maamulka dhulka oo ka baxay gacanta dawladda. “Cabashadda ugu badan ee wadanka ka jirtaa waa dhulka, mushkiladuna wax kale maaha qarankii dhulka lahaa ayuu farrihiisii ka baxay, dabadeedna shacabkii ayaa isku haysta, qof kastaana intaas oo higtar ayuu sheeganayaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo u warramayay HCTV. “Markaa Somaliland oo dhan mushkiladda ka jirtaa waa dhul had iyo jeer dadkeenu way iska cawdaan oo kii laga xukumay ayaa cabanaya. shaqadan garsoorkuna waa mihnad aad uga duwan shaqooyinka kale ee qaranka loo hayo oo cabashadu kama dhammaato.”

Aadan Xaaji Cali waxa uu sheegay in kiisaska maxkamadaha ee magaalada Burco ay u badan yihiin isku qabsiga dhulka, waxaanu yidhi uu yidhi “Burco waxay maraysaa halkii Hargeysa maraysay 2004-tii, sababtuna wax kale maaha oo magaaladii ayaa fidaysa. dhulkiina wuu qaaliyoobay. Hargeysa dadku waa isla soo daaleen dhulkiinna wuu dhammaaday.”

“Markaa cabashada Burco waxay u badnayd dhulka, garsoorkuna si fiican ayuu u wadaa mushkilada ugu badan ee aanu xalinayna waa taa dhulka. ma odhanayno wax kasta waa la hagaajiyay, laaakiin imika jidkii saxda ahaa ayaanu haynaa,”ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda sare ahna Guddoomiyaha Guddida cadaaladdu.