Is-Barbar Dhigga Laba Dhacdo Oo Isku Mid Ah Oo Ay Sameeyeen Maxamed Kaahin Iyo Xirsi Wakhti Labadooduba Wasiirro Ka Ahaayeen Dalka – Keebaa Khiyaameeyey Cabdiraxmaan Tuur iyo Siilaanyo?- Faallo.

0
1428

Maxamed Kaahin Axmed mar uu dorraad ka hadlayay xaflad xisbigiisu u qabtay koox dhallinyaro u badan oo uu ku sheegay in ay ku soo biireen, hadallo uu madasha ka jeediyey waxa uu aad u dhaliilay Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo saaxiibadiisii isla casilay, wuxuuna ku sheegay khaayimiin madaxweynahoodii iyo dawladdiisii khaa’imay.

Waxaan haddaba is barbar dhig kooban ku samayn doonaa Wakhtiyo hore oo Maxamed Kaahin dalkan ka ahaa Wasiirka Gaashaan dhigga xilligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Tuur iyo Wakhtigii uu xukuumadda KULMIYE wasiirka Madaxtooyada ka ahaa Xirsi, bal laba dhacdo oo aan isku barbar dhigayno oo ay sameeyeen labadan masuul.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed waxa uu waqtigaasi uu wasiirka ahaa karaahiyo u qabay beesha galbeedka Burco, kedib isagoo wasiirkii ugu awoodda badnaa waqtigaas ahaa hogaaminayayna beesha madaxweynaha ayuu habeen la shiray dhamaan wasiiradii beeshiisa Barriga burco kaga jiray dowladdii Cabdiraxmaan Tuur, waxaanu ku yidhi: “Dowladda Beeshan aynu colka nahay madaxweynaha ka tahay aynu ridno oo is casilno, waxay markaa beesha barriga burco dowladda ku lahayd, 5 wasiir oo buuxa iyo 3 wasiir ku xigeen, guud ahaan sideeddii wasiir ee ay isku beesha ahaayeen hal mid kama uu hadhin way is wada casileen, dowaldii Cabdiraxmaan Tuurna sidii ayay ku burburtay. colaaddii labada beelood ee galbeedka iyo barriga burco-na sidaa ayay ku bilaabantay.. Maalintaasi Maxamed Kaahin dan reereed ayuu isku casilay iyo nacayb labada beelood la kala gelinayay…….si dhacdaasi ka duwan ayaa waxaa is casilay Wasiir Xirsi iyo 12 kale oo wasiiro dowladda Siilaanyo ka ahaa, Xirsi hal qof oo la beel ah dadka is casilay kuma uusan jirin, waxay ahaayeen dad mabda’ isku raacay dan qaran waxay u arkayeen xilkoodii isaga tagay maanta miyaanay ahayn wax lala yaabo In Maxamed Kaahin oo wasiiradii beesha ahayd iyo isaguba hal mar go’aansaday in ay is wada casilaan. in maanta xirsi oon qabiil isku casilin oo weliba adeerkii Siilaanyo isaga tegey hadduu qabyaalad wado wuu la joogi lahaa. Aan is waydiinno haddaba Maxamed Kaahin miyaa Khaayimay Madaxweynihiisii wakhtigaas ee Cabdiraxmaan Tuur Mise Xirsi baa Khaayimay Madaxweyne Siilaanyo.

Dhaco xusuus leh aan soo qaatee Marxuum Cabdiraxmaan tuur maalintii wasiirada Habarjeclo is casileen waxa la sheegaa in uu madal ka Habaaray Maxamed Kaahin, habaarkii tuur wuu kacay oo illaa maanta Mujaahid Maxamed Kaahin xil danbe dalka kama qaban sidii buu duurka u wareegayaa.

Laakiin Madaxweyne siilaanyo markii loo sheegay in Wasiir Xirsi is casilay waa uu u duceeyay oo wuxuu BBC da ku yidhi ilaahay meel khayr qabta nimankaa tegeyna ha geeyo….Horta labada nin mid waxaa habaaray madaxweynihiisii tuur, midna waxaa u duceeyay madaxweynihiisii siilaanyo, sidaasi ayaanay labadaa dhacdo u kala duwanaayeen.

Faaladdan Waxa Qoray: Wariye Calimahdi Jibriil Xasan