Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa markii ugu horraysay ka hadlay masuuliyiin ka caariday oo ka hor yimid  Xisbigaas oo la baxay garabka toosinta  WADDANI,kuwaas oo qaadacay ka qayb-gal shirka golaha dhexe ee 19-ka bishan ka furmaya Hargeysa.

“Horta waxa weeyaan waa dimuqraadiyad,Xisbiga WADDANI waa Xisbiga ugu ballaadhan asxaabta qaranka Jamhuuriyada Somaliland ka jirta,dadkuna wax waa isku qoonsankaraa waana is qaban karaan,waxaan’se aaminsanahay rumaysanahayna,in aanu waxaa anagu gudahayaga dhammaysanayno,oo aanay noqonay wax fida,culays siyaasadeedna xisbiga ku keena,ama kala jajabiya,ama wax-yaabo noocaas ah abuuri kara,waxaanu aaminsanahay annagu xisbi ahaan dadkan xisbiga ku jira ama aasa-sayaasha ahaa ama xubnaha aad iminkaba ii sheegayso,xubno ku qaali ah xisbiga in ay yihiin,ixtiraam iyo qadarin-badana aanu  u hayno,isla markaan aanu ognahay ama aanu rumaysanahay in maalin-dhaw isha allah aanu soo afjari-doono,oo uu xisbigu mid-nimadiisi iyo isku duub-naantiisi xubnahaas uu-la soo noqon-doonaan,”ayuu yidhi Ibraahin Mahdi Buubaa.

Afhayeenka ayaa fariin u diray bulshada reer Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI,isagoo ugu baaqay xubna xisbiga WADDANI in ay ixtiraamaan xeerka xisbiga  “Bulsha weynta reer Somaliland ama taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee daafaha dunada iyo dalka gudihiisa jooga-ba,waxaan u sheegaynaa in uu xisbigu yahay xisbi dimuqraadi ah,isla markaana afkaarta dadka xisbiga ku-wada-jiraa ay kala duwanaan karto mararka qaarkood,in la isu soo jiid-jiido oo sida xeerarkeenu dhigayaan la raaco oo la ixtiraamo qawaaniinteena ayaanu u soo jeedinaynaa,isla markaana waxaanu u soo jeedinaynaa taageerayaash Xisbiga bari iyo galbeed-ba in aanay u fahmi ama u qaadan in ay arintani tahay,arin laf-jab ku ah xisbiga ama ku ah-ba.”Ayuu yidhi Ibaraahin Buubaa.