Wasiir Faratoon Oo Amar Ku Bixiyay In La Baabi’iyo Kaabado Waaweyn Oo Mulkiilaha Huteelka Ambassador Ka Dhex Sameeyay Jidadka Ku Hareeraysan Huteelkiisa

0
1387

Dadka Shacabka Ah Ee Xaafaddaasi Degan Oo Tallaabadaasi Wasiirka Soo Dhaweeyay Iyo Wasiirka Oo D/Hoose Amar Ku Siiyay In Jidadkaasi Lafuro

Warar Madax bannaan oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa daaha ka rogay in Todobaadkan gudihiisa uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamed Xiir (Faratoon) amar ka soo saaray Kaabado iyo Biro Kaantarool oo Uu Mulkiilaha Huteelka Ambassador ka sameeyay jidadka laamayadaha ah ee dhex mara Xaafadaha huteelkiisa ka agdhaw kuwaasi oo uu Wasiirku amray in gabi ahaanba la baabiiyo oo jidadkaasi la furo.
Illo-Wareedyo Madax Bannaan Oo Wargeyska Foore ka helay arintani ayaa shaaca ka qaaday in Todobaadkan gudihiisii uu Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Faratoon uu kormeer ku tagay Jidadka Xaafadaha ku hareeraysan Huteelka Ambassador ee Koonfurta Magaaladda Hargeysa halkaasi oo si isku xig-Xigta Kaabado iyo Biro kaantarool iyo Sidoo kale Ciidan gaadh ah loo dhigay,waxa uu Wasiirku sida la sheegay ku amray Mulkiilaha Huteelka Ambassador Khadar Aadan Xuseen inuu baabiiyo oo uu ku ekaado Huteelkiisa isagoo sheegay inay jidadkaasi yihiin kuwo dadka shacabka ahi isticmaalaan,loona baahan yahay inay Si xor u maraan oo aanay la kulmin wax xanibaad iyo handidaad ah. Wasiirka ayaa sida war-bixintani lanagu siiyay indhihiisa ku soo arkay arintani,Waxaanu Masuuliyiinta Dawlada Hoose faray inay Hawshaasi galaan oo ay baneeyaan Jidadkasi, kana tir-tiraan Baraha Kaantarool.
Wararkan ayaa intaa ku daray in Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Masuuliyiin kale oo Dawlada hoose ka tirsani ay sidoo kale Kormeer ku tageen goobahaasi islamarkaana ay indhahooda ku soo arkeen Goobo ka baxsan Huteelka Ambassador oo hoy u noqday Ciidan iyo Biro kaantarool,oo ay adag tahay sida ay Dadka shacabka ahi uga dhex adeegan karaan,Waxaana sida ugu dhakhsaha badan laga dhursugayaa Dawlada hoose inay u fuliso amarka Wasiirka. Xogo Wargeyska Foore helay ayaa shaaca ka qaaday in Talaabadaasi ay si weyn ugu diirsadeen oo ay soo dhaweeyaan Dadka Shacabka ah ee Degan Agagaarka Huteelka Ambassador,kuwaasi oo ay Dhib badani ka haysatay Wakhtiyada Habeenkii inay jidadkaasi si sahal ah ku maraan,oo ay ka adeegtaan,waxaanay ku sifeeyeen go’aanka Wasiirka Arimaha guduhu qaaday talaabo horumar leh oo Dawladnimo oo uu qaaday islamarkaana uu wax ugu taray Dadka Shacabka ah,meeshana uu uga saaray Cabudhin iyo Jacbur ay dareemayeen.