Saylici oo Sheegay Wakhtiga Shacbiga Hargeysa ka baxayaan Biyo yaraanta

0
949
????????????????????????????????????

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa u balan qaaday inay heli doonaan biyo ku filan sannadka fooda innagu soo haya ee 2017-ka. Waxaanu ku dhawaaqay in lagu guulaystay mashruucii biyo balaadhinta caasimadda.

 

Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta kormeeray mashruuca biyo balaadhinta caasimada oo wakhtigan maraya marxalad gebo-gabo ah.Waxa kormeerkaas  ku weheliyay  maareeyaha wakaalada biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, xubno ka kooban golaha wasiirrada iyo masuuliyiinka ka socday xisbi xaakimka KULMIYE.

“Waxaanu u soo baxnay  in aynu ogaano xaalada biyo balaadhinta Hargeysa halkay marayso, mashruucani runtii waa mashruuc aad iyo aad u balaadhan oo qiimo leh, waa mashruuc caasimada Hargeysa oo cidhiidhi badan kaga jirta adeega biyaha wax weyn ka tari doona waana tallaabadii koowaad ee runtii xukuumadaydu markii ay xilka timid  ay bilowday,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku.

Madaxweyne Ku-xigeenka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Sidii hawshaa loo fulin lahaa iyo culayska jira ee caasimada Ilaahay ma haddii waxa lagu guulaystay in markii u horaysay sannadkii labaadba in la helo dhaqaalihii koowaad oo ay balan qaadeen midawga yurub oo dhaqaale aad iyo aad u qiimo badan oo 21milyan oo doollar ahayd. waxa kale oo kaabtay sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.”
“Anigu waxaan aad iyo  aad ugu faraxsanahay dedaalkii aan u soo galnay hawshan biyo balaadhinta Hargeysa inuu maanta halkii u dambeeyey uu marayo waana ta aan u soo kaxeeyey inteenan in aynu wada aragno haddii aynu xukuumadii nahay halka ay wax marayaan, qofkuna waxa uu maqlo iyo wuxuu arko way kala qiimo badan yihiin. Masuul kasta oo xukuumada ka tirsan maantana halkan jooga inuu ka turjumo dareenkiisa oo uu ummadda u sheego inay hawshii meel fiican marayso oo ay dhaw dhawdahay runtii.

 

aad iyo aad waxan ugu hambalyeynayaa wasaaradda biyaha, Maareeye Ibraahim Siyaad oo runtii hawl aad iyo aad u culus haya dhammaan hay’adaha innaga taageera haddii ay dhaqaalaha tahay iyo haddii ay tahay fulintaba. Maareeyaha iyo hawladeenadiisa la shaqeeya oo dhan iyana aad ayaan ugu hambalyeynayaa hawl aad u culus ayey runtii hayaan hawlna hadaan loo dhibtoonin oon loo dhididin dheefteeda lama helo,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Madaxweyne Ku-xigeenka ka hadlayay xiliga biyo balaadhintan la furayo waxa uu yidhi “Mashruuca waynu u soo dhabar adaygnay muddo dheer ayuu soconayaa waxa marka la eegayo ee la rabo inuu wax tayo leh uu noqdo wixii la dedejiyaa,  in tayadii la hagaajiyo   tallo galkii 30 sanno inuu jiri lahaa ayaa lagu xisaabtamayaa. markaa runtii aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, ummadda reer Hargeysa waxaan leeyahay waxaad ku bushaaraysataan in sanadkaa cusub ee 2017ka meel kasta oo beebkii  hore uu yaalo inay biyo gaadhi doonaan marka halkaa laga soo istaadho biyaha, qolada deegaankana waxaan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin waxaanse codsanayaa dhulku wuu innaga fara badan yahay balse intani dhul mishiin loo xidho maaha ee dhulka waa inaad kordhisaan oo ugu yaraan 50m iyo 50m ama 100m ka dhigtaan waayo ceelku waa qasnad oo waa wadnihii bulshadda.”

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha wakaalada biyaha, wasiiru-dawlaha biyaha, maayarka caasimada Hargeysa, Gudoomiyaha gobolka Hargeysa oo dhamaantoodba ku dheeraaday faa’iidada biyaha iyo baahida ay shacbigu u qabaan sidoo kalena waxay xuseen in mashruucani yahay gabaabsi dhawaana ay Hargeysi heli doonto biyo ku filan, waxaanay madaxweyne ku xigeenka ahna ku simaha madaxweynaha ku soo wareejiyeen oo ay soo kormeereen xarumaha ay ka socdaan biyo balaadhinta iyo xarumaha keydka biyaha ee hore u jiray iyo kuwa hadda farta lagu hayo ee lagu xoojinaayo kuwii hore si caasimadu u hesho biyo wada gaadha.

Markii Madaxweyne ku-xigeenku kormeerkiisa soo dhammaystay ee ay ku soo socdeen Hargeysa waxa qalibmay Baabuurkii Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii la socotay ku-simaha madaxweynaha, waxaana gaadhigaasi dhaawacyo fududi ka soo gaadheen Wasiirka, xoghayaha guud ee KULMIYE iyo siyaasi Maxamed Axmed Caalin (Tiim-baro), waxaanu madaxweyne Ku-xigeenku ku noqday goobtii shilku ka dhacay, iyadoo  muddo kooban lagu dabiibayay masuuliyiintan cisbitaalka Hargeysa oo markiiba laga saaray.