Komishanka Doorashooyinka Oo Shaqada Ka Caydhinaya Dhammaan Hawl-Wadeenada U Shaqeeya, Werwer Oof-Wareemi Kara Doorashada Oo Soo Kordhay Iyo Xukuumadda Oo Aan Dhaqaalihii Laga Sugayey Bixin

0
863

Waxa laba toddobaad kadib oo ku beegan dhammaadka bishan shaqada ka dareeri doona 58-qof oo iskugu jira madax-qaybeedddo, dareewallo, farsamoyaqaanno iyo shaqaale kale oo caadi ah.

Caydhinta shaqaalaha komishanka ayaa timi iyadoo ay 165-maalmood ka hadhsan yihiin maalinta loo qoondeeyey Doorashada Madaxtooyada

Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa shaqaale weynaha xaruntooda ka hawlgala ku wargeliyey inaanay wixii ka dambeeya bishan October ee lagu kasii mid ahaan doonin shaqaalaha komishanka, iyaga oo ku andacoonaya inaan la haynin lacagihii ay mushaharka u qaadan jireen.

Sida ay wargeyska Hubaal u u xaqiijiyeen ilo looga qaateen ah oo xarunta komishanka ku sugani, waxa shirar hoggaanka komishanku la galay qaar kamid ah shaqaalaha loogu sheegay inay dibadda ka noqon doonaan shaqada ay komishanka u hayaan wixii bishan haatan socota ka dambeeya, isla-markaana ay shaqaalahaasi fasax u haystaan inay shaqooyin kale raadsadaan.

Shaqaalaha loo sheegay inaanay halkaas kasii shaqayn doonin, ayaa tiradoodu dhantahay 58-qof oo iskugu jira madax-qaybeeddo, iyo shaqaale caadi ah, kuwaas oo ay kamid ahaayeen La-taliyayaal, Tababarayaal, dareewallo, Saad-hayayaal, Wacyi-geliyayaal, isku-xidhayaal iyo weliba cillar-saarayaal, kuwaas oo dhammaantood ahaa baalashii uu komishanku duulayey, gacantana ku hayey hawlaha muhiimka ah ee uu komishanku haatan gacanta ku hayo.

Xogaha uu wargeysha Hubaal helay, ayaa intaas ku daraya in dhammaan shaqaalahan shaqada ka tegi doona laba toddobaad kadib la faray inay soo xareeyaan wixii agab ama xog ah ee uu komishanku leeyahay oo gacmahooda ku jira, kuna wareejiyaan xubnaha toddobada ah ee komishanka qaranka.

Asbaabta loo cuskaday shaqo-kacaydhinta shaqaalaha komishanka, ayey komishanku ku sheegeen inay tahay lacag la’aan, waxana shaqaalaha hortooda ka sheegeen inay mushaharkooda bishan October la dabbaalan doonaan, balse intaas wixii ka dambeeya aanay haynin wax kharash oo ay ku bixiyaan mushaharka shaqaalaha haatan la fasaxay ee tiradoodu dhan tahay 58-ka qof.

Xubnaha komishanka, ayaa sidoo kale shaqaalaha u sheegay inaanay xukuumaddu bixinin kharashaadkii loogu talo galay arrimaha doorashooyinka soo socda oo mushaharka shaqaalaha laga debberi lahaa, isla markaana aan la haynin lacago badan oo hay’adaha kala duwan ee komishanka caawiya laga sugayey.

Cidda kali ah ee xarunta komishanka kusoo hadhaysa, ayaa ah toddobada xubnood ee komishanka iyo weliba midhadh waashmaanno ah, waxana gebi ahaanba shaqada ka hulleeli doona laba toddobaad kadib shaqaalaha kale ee halkaas ka hawlgala oo sidaas lagu wargeliyey.

Xilligan shaqada la caydhinayo shaqaalaha komishanka qaranka, ayaa ah xilligii la doonayey inay shaqaaluhu bilaabaan kala hufidda kaadhadhkii cod-bixiyayaasha, daabacaadooda iyo weliba qaybintooda si ay dadku u helaan kaadhadhka ay ku codayn doonaan inta aan la gaadhin wakhtiga doorashada oo muddo koobani ka hadhsan tahay.

Dib u qaadashada shaqaale cusub oo komishanka la shaqeeya, ayaa qaadan doonta ugu yaraan saddex bilood, maadaama naadintooda iyo kala xulistoodu u baahan tahay wakhti badan oo lagaga baaraan dego.

Baaqa komishanka doorashooyinka qaranka ee ay shaqaalahooda ku caydhiyeen, ayaa imanaya xilli ay muddadii doorashada madaxtooyada loo qoondeeyey ka hadhsan tahay muddo 165-maalmood ah, waxana  hubaal ah haddii shaqaalaha sidaas lagu fasaxo ay iman karto dib-u-dhac doorasho, maadaama ay qabyo tahay arrinta kala sifaynta kaadhadhka cod-bixiyayaasha iyo qaybtooda oo ah qaybada ugu weyn marka kharashka laga tago ee haatan komishanka hortaalla.

Xubnaha komishanka oo inta badan ku adkaysta inay doorashadu xilligii loo cayimay ku dhici doonto, ayaa haatan u muuqda inay wajaheen caqabad maaliyadeed o oculus, taas oo keeni karta inay doorashadu wakhtigeeda ku hirgeli weydo, waxana ay arrintaasi laf-jab ku noqonaysaa ballantii madaxweynaha iyo dedaalkii beesha caalamka ee la xidhiidhay inay doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo.