Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Maal Mihii U Danbeeyay Ku Biirayay Xisbiga+SAWIRRO

0
898

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta hadhimo sharafeed aad u ballaadhan u sameeyey garabaddii Isbahaysiga dimuqraadi doonka KULMIYE, siyaasiyiintii uu horkacaayey Ismaaciill Hurre Buubaa ee Koonfurta Hargeysa iyo weli ba mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan ku waasi oo dhammaantood maalmo ka hor ku soo biiray Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Kulankan oo uu ka soo qeyb-galay guddoomiye Cirro, ayaa ujeedkiisu ahaa siddii ay isu baran lahaayeen siyaasiyiintii dhawaan ku soo biiray Xisbiga iyo weli ba xubnaha hoggaanka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo ujeedka kulankani uu daarnaa siddii la iskaga xog-waraysan lahaa hawlaha Xisbiga loo na dar-dar gelin lahaa isku duubnimada iyo wada-shaqeynta Xisbiga si loogga midho dhalliyo hadafka iyo himilada Xisbiga WADDANI.

Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta bahweynta Xisbiga WADDANI ee kulankaas iskugu yimi, ayaa waxa ay is waydaarsaddeen aaraahyo badan oo ku qotomay siddii Xisbiga WADDANI uu ugu guulaysan lahaa Doorashada Madaxtinimo ee soo socota, isla mar ahaantaana qaranka Somaliland loogga badbaadin lahaa hadimooyinka iyo dhibbaatooyinka uu ku soo wado Xisbiga KULMIYE.

waddani-4 waddani xirsi-cali-xaaji-xasan image-264 image-270 image-277 image-278