Dimuqraaddiyadii Xisbiga WADDANI Oo God Madow Lagu Riday Iyo Murrashaxnimada Guddoomiye Cirro Oo La Diiday In Lagu Tartamo

0
856

Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa u muuqda mid hog dheer ku riday dimuqraaddiyadii iyo tartankii axsaabta lagu yaqaanay, waxana la diiday in murrashaxnimada jagada madaxweynaha lagula tartamo guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ooh ore u shaaciyey inuu u sharraxan yahay.

Guddida kala shaandhaynta murrashaxiinta, ayaa warbaahinta la hadashay, ayaa sheegay inaanay jirin cid aan guddoomiye Cirro ahayn oo kursigaas isku soo taagtay, balse waxa aan meesha ka muuqanin shakhsiyaad la tuhmayey oo uu Ex. Wasiir Maxamed Biixi kamid ahaa, kuwaas oo la filayey inay tartan la galaan guddoomiye Cirro.

Ex. Wasiir Biixi oo maalmo ka hor warbaahinta ka sheegay in WADDANI dhexdeeda looga oggolaaday inuu tartamo, ayaan haddana liiska lagu soo darin, waxana ay taasi  muujinaysaa in murrashaxnimada madaxweynenimada loo xidhay guddoomiye Cirro, isla-markaana dagaal lala galay cidkasta oo isku dayday inay la tartanto.

Habka jagada murrashaxnimada madaxweynenimada loogu xidhay guddoomiye Cirro, ayaa ka hor imanaysa dimuqraaddiyada iyo xeerarka axsaabta qaranka, waxana xusid mudan in kaliya bulshada loosoo bandhigay in kursiga ku-xigeenka ay laba murrashax u tartami doonaan, halka midka Cirro aanay cidi ku wehelinin.

Wararka laga helayo gudaha xisbiga WADDANI, ayaa sheegaya inuu guddoomiye Cirro kaadirkiisa ka codsaday inaan cidina kula tartamin murrashaxnimadiisa, maadaama oo uu kursiga guddoomiyenimada ka kici doono, taas oo  keentay inaanay cid hammigiisa oo kale lihi miidaanka imanin.