Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah UCID ayaa waxaa uu walaac xoogan ka muujiyey in doorashada madaxtooyadu ay wakhtigeedii qabsoomi doonto dalka  isaga oo gudida doorashooyinka Somaliland ku sifeeyey qaar aan aqoon awoodohooda shaqo

Sidoo kale Muj.Cali Guray ayaa waxaa uu 7 xubnood ee kominshanka doorashooyinka Somaliland ku sifeeyey hablo gaashaatimo ah waxana uu yidhi

“Cida laga doonaayo doorashada iyo halka ay mareyso , in ay suurto gal tahay iyo in ay  wax ka dhiman yahiin ba waxaa weeye todobada xubnood ee kominshanka doorashooyinka  , 7 xubnood ee gudida doorashooyin kuna sidii hablo gashaatimo ah ayuun bay madaxa hoos u foororinayaan ” ayuu yidhi

Dhinca kale mujaahidka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu gudida doorashooyinka ugu baaqay hadii aanay dalka doorasho ka qaban karin ay shacbiga u sheegaan

“Kominshanka doorashooyinku awooda ay leeyihiin  ma yaqaanan in ay iyagu yahiin cida masuulyada qaadeysa ee laga doonayo ma oga , cida laga rabaa ma aha xukuumada ee iyaga ayaa laga doonayaa in ay dalka doorasho ka qabtaan  hadii aanay ka qaban kareena ay dadka u sheegan in aanay doorasho qaban kareen ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Muj.Cali Guray