Wasiirka Hawlaha Guud oo Dhagax Dhigay Waddo Laga Dhisayo Wajaalle

0
1017

Wasiirka hawlaha guud, guriyeynta iyo gaadiidka Somaliland Mudane Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ayaa maanta dhagax dhigay waddo isku xidhi doonta degmada Wajaalle iyo Kantaroolka ismaamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxaana Munaasibadan lagu dhagax dhigayay jidkan ka soo qayb galay maamulka heer degmo heer gobol ee degmada Wajaale iyo Gabiley, masuuliyiinta sar sare ee wakaalada wadooyinka Somaliland iyo marti sharaf kalel oo tiro badan.

Wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan oo isagu ugu horeyn ka hadlay madashaasi ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dhagax dhigo dhismaha jidkani waxaanu yidhi “Dhab ahaantii aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dhismahan dhagax dhigo, labadii kiiloomitir ee ka hadhsanaa, 20-ka KM ee wadada Kalabeydh iyo Wajaale ahaana afaafkii ugu danbeeyay ee xadka Itoobiya, waliba halkii ugu mihiimsaneyd ee magaalada dhex-mareysay, waanay raagtay sidaas la sheegay, hase ahaatee waxaa imika soo dar-dar-galiyay gacansatada iyo dawlada dhaxe oo wasaarada hawlaha guud ay ka wakiil tahay, ay iska kaashan doonaan dhismaheeda.”

Wasiir Cali Mareexaan waxaa uu xusay in jidkani yahay mid mihiim u ah isku xidhka labada dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland waxaanu yidhi “jidkani waa mid ka mida jidadka ugu mihiimsan Somaliland, iskuna xidha Itoobiya iyo Somaliland, waxaana wadadan la dhisay oo la hirgaliyay intii Madaxweynaha Somaliland la doortay, waxaa imika kaabiga innoo soo saaran mashruuci weynaa ee D.P World ee balaadhinta dekada Barbara iyo iskaashiga dawlada Imaaraadka iyo dawlada Somaliland oo dhawaana bilaabmi doona iyada oo Wajaale ay tahay magaalo Ganacsi oo aad u mihiima meel mihiimana ku taala hadana waxaa cadaana in ganacsigeeda iyo baayac-mushtarkeeduba sii balaadhan doono, markaa dhagax dhiga dhismahani waa diyaar garaw aynu u diyaar garoobayno gaadiid badan oo soo socda iyo dhaqaale badan oo soo socda.”

“Waxaanan aad iyo aad ugu mahad celinaya shaqaalaha sida habsamida leh u wada hawshan jidkani, wadankana dhaqaalahiisu waa uu kooban yahay waxaana jira jidad badan iyo meelo badan oo wasaarada hawlaha guud iyo Hay’adda dhismaha wadooyinku ay gacanta ku hayaan oo laamiyo cusub leh laguna sameeyey dib u habeyn jidadka inta badan aynu marnaana waa ay daaleen markaa waa in dayactirkoodu joogto ahaada,”ayuu yidhi Wasiirku.

Badhasaabka gobolka Gabiley Xamse Maxamed Cabdi oo isaguna madashaasi ka hadlay ayaa bulshada reer Wajaale ugu baaqay sidii ay qayb laxaadleh uga qaadan lahaayeen dhismaha jidkani waxaanu yidhi “wadadani waxay nabar ku aheyd gobolkeena Gabiley, marna xukuumada ayay nabar ku aheyd, waxaanay wadadani afka u saaran tahay wadada xadka ah ee Itoobiya, gaadhiga Itoobiya ka yimaada sida uu u soo socdo waxaa uu soo galayay wadadeena Kadh-kadha ah, waxaanay aheyd dhab ahaantii bari horeba inay reer Wajaale sameystaan, mar haday maanta noqotay inay dhagax dhigno wadadii oo kana dhigno wadooyinka aamusan waxaan leeyahay waar reer Wajaalow ka qayb qaata dhismaha wadadani, Ilayn horaa loo yidhi (Xadhko Geel Ma Wada Xidhaane) wadadaasi marka saddex meelood loo qaybiyo waxaa laga doonayaa dadweynaha reer Wajaale qaybta kalena dawlada hoose iyo dawlada dhexe ayaa laga doonaya”

Gudoomiyaha Hay’ada wadooyinka Somaliland Mudane Xasan Cali Cismaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Anaga oo dhab ahaantii ka duuleyna awaamiirtaadi iyo siyaasada wasaarada hawlaha guud in dhismahan iyo dayactirani uu ka khafiifin doono wadada biyaha roobka”