Garaha Soomaalida Iyo Qaybahooda – W.Q. Cali Cabdi Coomay

0
294

Guud ahaan waxa ay u kala baxayaan laba qaybood:

  1. Gar xeer-beegti
  2. Gar cadaawe
  3. Gar xeer-beegti: waa waxay u kala u kala baxaysaa afar.
  4. Duco
  5. Didiif
  6. Dawi
  7. Maluug
  8. Duco: waxa lagu bilaabaa garta bisinka iyo faataxada, waxaana laga dambaysiiyaa duco. Waxa lagu ducaystaa ilaahayow waxaanu kaa baryaynaa in kii xaq ku taagan, xaqiisa la siiyo, kii wax aanu lahayna doonaya aanu helin. Qofna wax aanu lahayn raacin.
  9. Didiif: waa eray macnihiisu yahay afeef. Marka garta qaarkood la qaadayo waa la is-xujeeyaa. Waxa la yidhi laba nin ayaa geenyo(faras naag ah) isku qabsaday, Waana ilmaadeer. Ka dib waxa la yidhi waar hebelow ha la idiin garnaqo, ka dib mid baa yidhi” la garnaqsan maayo ilaa saddex arrimood la helo, cidii soo gole fadhiisin lahayd, ninkii garta u sheegi lahaa iyo ninkii ku odhan lahaa waa lagaa gar helay”. Arrintii sidii baa loogu garnaqay. Waxa kale oo jirtay in nin yidhi” aniga gartayda saddex ma galaan” = nacfi-jiid, = naas-jiid iyo lug-jiid.” Waxaanu ula jeedaa.

= nacfi-jiid: waa ninka wax la siiyo

= naas-jiid: waa ninka gabadhi dhashay( abtiga loo yahay)

= lug-jiid: waa ninka gabadha qaba ee seediga loo yahay

  1. Dacwi: waa meesha ugu mihiimsan garta. Waa qaabka aad u sheegato iyo sidii aad uga hortagi lahayd waxa ninka kale sito ee kugula garamayo, waxaanad ka sii hor-degaysaa wuxuu odhan lahaa .” haddii uu odhan doono sidaa”, haddii uu ku soo halqabsado sidaa” iyo haddii uu kaa maro dhinacaa” IWM.
  2. Maluug: waa wax kasta oo aad tuhunto, laakiin aanad cadayn u hayn. Tusaale ahaan. Nin aad is disheen oo agtaada qori ama hub kale la marmarayo, taaso oo ay dhici karto inuu kuu sito iyo inaanu kuu siddan ee uu iskii isaga sito, balse aad ka shakiday oo aad u malaysay inuu adiga kuu sito laakiin aanad caddayn u hayn. Markaa waxaad leedahay “ ninkaa waanu is laynay garna waa naloo balamiyey, qori hore kumaan arki jirin, imika ayuu sitaa, ma hubo inuu aniga ii sito iyo in kale. Markaa waxaan rabaa tuhun-saar iyo dhaar. Ka dib arrinka waa la geli bal siday wax yihiin.
  3. Gar-cadaawe

Gar-cadaawe waxay u qaybsantaa laba nooc:

  1. Gar-shareeco
  2. Gar-xisdi
  3. Xeerarka garta
  4. Gar-shareeco: garta shareeco waa gar muslism sida magaca ka muuqata. Waxa dhaqan u ah dhaar iyo markhaati. Waxa gartan loo qaadaa wixii afka ka soo baxa, dhinacayada dacwaddu ka dhexayso amma markhaati yidhaaheen. Qofka haddii uu caddayn waayo, waxa lagu odhanayaa ku dhaaro inaanad waxaa qaadan.
  5. Gar-xisdi: gartani waxay ka mid tahay garta shareeco. Waana gar xeer-beegti. Xaalka laga bixiyo arrimahan waxa weeye si aanu qofku u aargoosan. Haddii qof lagu gefo, oo xaal la siiyo micnaheedu waa wuuaargoosan, balse in la baajiyo aargoosi. Waxyaabaha xaalka la isku siiyo waxa ka mid ah: garowshiiyo oo ninkii xumaanta loo geystay waa loo garaabaa oo waxa la yidhaa” raali ahaw waanu kugu qaldanay.
  6. Xeerarka garta: soomaalidu waxay leedahay xeerar ay ku kala baxaan markay is-qabtaan. Sida dhaqan ahaan loo kala duwan yahay ayaa xeer ahaan loo kala duwanaanayaa. Xeerark dhaqanka waxa hogaamiye, caaqilada, suldaanka, garaadka, boqorka, ugaaska iyo waliba odayaasha beelaha u taliya. Beelaha jaarka ah waxa ka dhexeeya xeerar ay ku wada dhaqmaan, oo ay ku kala baxaan markay wax isku qabtaan. Arrrimaha inta badan la isku qabto waxa ka mid ah: dilal, xoolo la kala qaado, dumar la faraxumeeyo IWM. Dhinaca kale waxa jira xeerar ka dhexeeya oo lagu dhaqmo, markay qabiilku amma jilib hoose is-qabtaan. Waxaana la odhanayaa” jilibkaasi maxaa xeer inooga yaallay markay arrintan oo kale dhacdo”. Waxa jira xeerar guud oo kala ah : = inaan dumarka la kala faraxumayn. = inaan gabadh la qabo la isu-dhaafin. = gabadh doonan inaan la isu-dhaafin. = dumaasha in ninkeeda loo daayo. Waxa kale oo jira arrin la yidhaa laba xaallay oo ah, tusaale ahaan gabadh la qabo oo reerkoodii la taal ayaa la kufsaday, mark ay taas oo kale dhacdo, gabadha reerkoodii ay ka dhalatay iyo reerkii qabay ee ay u dhaxday labaduba waxay yeeshaan xaal.

 

Qaabka garta loo bilaabo

Garta marka la bilaabayo ee la soo wada fadhiisto goobta gartu ka dhacayso, guddiga garta qaadaysaa waxay marka hore su’aal weydiiyaan ninka muduciga ah( ka wax tirsanaya), waxaan lagu odhanayaa “ ma adigaa wax tirsanaya” haa markuu yidhaa, waxa hadana la weydiinayaa “ ma ka samraysaa waxa aad tirsanayso amma ma u dulqaadanaysaa” ka dib maya haddii uu yidhaa, waxa loo gud-bayaa ninka dhinaca madaacalayga( ka wax loo tirsanayo), waxaana la weydiinayaa” waxa laguu sheeganayo garaw ma ka haysaa amma ma ka bixinaysaa”. Maya haddii uu yidhaa, muduciga ayaa xagiisa la eegayaa, waxaana la weydiinayaa” garaw laguuma hayee, gar ceeble ma marsanaysaa”. Haa ayuu odhanayaa. Ka dibna madaacalayga ayaa lagu odhanayaa” waxa laguu sheeganayo ka ka jid-baxaysaa”, haa markuu yidhaa, waxa nin walba la weydiinayaa, iyadoo muduciga lagu horaysiinayo. “ xidhahaagii ma wadataa”, haa marka uu yidhaa waxa lagu odhanayaa bilow hadalka oo gartaada akriso. Ka dib muducigu waxa uu hadalka ku bilaabayaa, isagoo eegaya ninka wax loo sheeganayo, ayuu su’aalay” wax garaw ma ii haysa”, maya haddii uu yidhaa wuxuu hadana weydiinayaa” haddii aynu gar-adag ismarino oo aan waxayga gar kaaga helo ma qabtaa wixii aan kugu yeesho”., madaacalayga ayaa isna, haa ka dibna muduciga ayaa odhanaya” haddii aan kugu helo waxaa aan kuu sheeganayo goobta garta ayaad igu siinaysaa, oo igalama kacaysid”. Ka dibna madaacalaygii ayaa odhanaya” wixii aad igu hesho waa iga bad-yaal waaa ku siin isla goobta. Waxaynu ku wada hadlaynaana gole-joog ha noqdeen

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

C/salaam Caaradhuub……………..Garta Dhaqanka

 

Comments

comments