Garabka Faysal Cali Waraabe Oo Aan Wali Iska Soo Dhex Xulin Shantii Qof Ee Uga Qayb-galayay Qaban-qaabada Shirwaynaha Xisbiga UCID.

0
916

Garabkii uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaan iyagu ilaa hadda iska soo xulin shantii xubnood ee uga qayb galaya qaban qaabada shirwaynihii xisbiga UCID ee ay maxkamaddu mudaysa in lagu qabto muddo 60 cisho ah.

Garabkana ayaan iyagu haba yaraatee wax hawl ah oo dhankooda ah galin iyaga oona ay xusid mudan tahay in mudadii ay maxkamadda sare mudaysay in lagu qabtay shirkaasi ay ka hadhsan tahay muddo 44 cisho ah ayna dhamaadeen muddo 16 cisho ah.
Garabkan ayaan iyagu wali la sheegin inay kulan iskugu yimaadeen ayna kaga arinsadeen go’aankii maxkamadda iyo qaban qaabada shirwaynaha xisbiga,iyaga oona aan wali shaacin xubnahaasi
Dhanka kalena garabka Jamaal Cali Xuseen ayaa iyagu iska soo dhex saaray shantii qof ee uga qayb galayay qaban qaabada shirwaynaha.
Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda mid saluugsan go’aamadii ay soo saartay maxkamadda sare ee Somaliland,isaga oona la sheegay inuu safar aan ujeedkiisa la shaacin ugu maqan yahay dalka Jabuuti. Waxaana wararka soo ifbaxayay ay sheegayaan in uu Faysal Cali Waraabe dalka Jabuuti kulan qarsoodi ah kula qaatay masuuliyiin ka socday dawlada Somaliya.
Bulshada Somaliland ayaa aad isku waydiinaya sababaha garabka Faysal Cali Waraabe aanay ilaa hadda usoo magacaabin shantii xubnood ee uga qayb galayay shirwaynaha madaama wakhtigu is gurayo ayna hadhsan tahay muddo 44 cisho ah.