War Deg Deg Ah: Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Inuu Banaynaayo Kursiga Barlamaanka Somaliland Iyo Cida Uu Damacsan Yahay Inu Ku Wareejiyo.

0
1325

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Inuu Banaynaayo Kursiga Barlamaanka Somaliland Iyo Cida Uu Damacsan Yahay Inu Ku Wareejiyo. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shaaca si rasmi ah uga qaaday in uu wareejinayo xilka Guddoomiyenimo ee xisbigaasi oo kadib tan iyo aasaaskiisii markii uu shan sano ka hor dhidibada u taagay xisbigaasi WADDANI.

Guddoomiye Cabdirxamaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo shalay ka hadlayay xafladdii loo qabtay siyaasiyiinta Miisaanka leh ee kasoo jeeda Beesha Koonfurta Hargeysa iyo Degmada Sallaxlay ee sida rasmiga ah ugu soo biiray xisbiga WADDANI laguna qabtay Huteel Ambassador ee Caasimadda Hargeysa ayaa waxa uu si cad Guddoomiye Cirro u sheegay in uu gabi ahaanba dhawaan wareejin doono Xilka Guddoomiyaha xisbiga WADDANI isaga oo waliba shaaca ka qaaday in uu ku wareejin doono Siyaasi ka soo jeeda Beesha Degmada Axmed Dhagax iyo Gobolka Hawd.
“Waxaan taageerasanahay doodda inta badan la soo celceliyo ee odhanaysa odayaashu kuraasta haka kacaan ay muddoda ku fadhiyeen, fikirkaasi waan qabaa waxaanan ballan qaadayaa in aan kursiga ugu sarreeye xisbiga WADDANI wareejin doono kuna wareejin doono Gobolka Hawd. Waxaan ka kacayaa Cadkii ugu sarreeyey xisbiga, waxaan ka kacayaa Guddoomiyaha oo aan ku soo dhawaynayo. Xafladdeedii taasina waa maalin dhaw Haddii Alle Yidhaahdo. Saaxiibadayna waxa ay diyaar u yihiin in ay ka kacaan. Kuwa berri imanaya, kuwa ka dambeeya dhammaantood waan soo dhawaynaynaa”
sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo xafladdii shalay ka hadlayay. Inkasta oo aanu Guddoomiye Cirro magacaabin shakhsiga uu doonayo in uu ku wareejiyo xisbiga WADDANI haddana warar hoose oo soo baxayay maalmihii ugu dambeeyey ayaa tibaaxaya in uu doonayo in uu ku wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo muddo dheer ka mid ahaa Golaha Wakiilada Somaliland dawladihii kala dambeeyey ee dalka, kaasi oo ah siyaasi kasoo jeeda Gobolka Hargeysa.