Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis Oo Isku Diyaariyay Inuu Maanta Soo Bandhigo Cudidiisa Taageerada Uu Ka Haysto Beeshiisa Iyo Kulamo Abaabulan Oo U Qabsoomay

0
1374

Wuxuu Kulamo Hoose La Yeeshay Aqoonyahanka, Salaadiinta,Cuqaasha, Dhalinyarada Iyo Haweenka Degmadooyinka I/Koodbuur, 26-June, G/libaax

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibada Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis ayaa Labadii Caano maal ee u dambeeyay ku mashquulsanaa iskuduba ridista iyo abaabulista Taageerayaashiisa si uu u muujiyo Cudida taageerayaashiisa,waxaana Xalay illaa habeen hore Hargeysa ugu so idlaaday Kulamo midho dhal leh oo uu la qaatay Salaadiinta,Siyaasiyiinta,Culimada,Aqoonyahanka Iyo Cuqaasha ka soo jeeda Beelaha Woqooyiga,Galbeedka iyo Koonfurta Magaalada Hargeysa.
Illo-Wareedyo u dhuun daloola Dhaq dhaqaaqyadaasi Siyaasadeed ee Maxamed Biixi Yoonis Maalmihii u dambeeyay uu ka waday Magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay Guul iyo Is-Afgarad ugu soo idlaadeen,kadib markii ay isla waafaqeen Beeshiisha Qorshihiisa siyaasiga ah ee uu u rarayo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo maanta isaga iy Saaxibadiisii ay kuwada Jireen Isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka ee Kulmiye Munaasibada loogu Qabanayo Magaalada Hargeysa,Waxa uu sidoo kale qorshaystay oo dhaq dhaqaaqyadan ku hoos jiray mid uu ku doonayo inuu ku muujiyo Cudida Taageero ee uu ka haysto Beeshiisa oo la filayo inay maanta Munaasibada ka dhacaysa Hoteelka Maansoor iska soo xaadiriyaan Taageerayaal Mugleh oo taabacsan Maxamed Biixi Yoonis.
Wararka aanu ka helayno Dhaq Dhaqaaqyo siyaasadeed iyo Kulamo qorshaysan oo uu Maxamed Biixi Yoonis ku yeeshay Guryo iyo Huteelo Hargeysa kuyaala labadii Caano maal ee u dambeeyay ayaa sidoo kale Wargeyska Foore u xaqiijiyay inay kulamadaasi ay iska soo xaadiriyeen Rag magac weyn ku leh Bulshada Somaliland,gaar ahaan Beelaha Woqooyiga,Koonfurta iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa,kuwaasi oo taageero mugleh u muujiyay Mawqiskiisa Siyaasiga ah islamarkaana ku taageeray Damaciisa Siyaasiga ah ee uu Maxamed Biixi Yoonis u raray Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI. Waxay raggaasi sidoo kale balan kula galeen Maxamed Biixi Yoonis inay Taageeradood la garab joogayaan oo ku faraxsan yihiin ku biiristiisa Xisbiga WADDANI.
Xogaha ku saabsan Musharaxnimada Madaxweyne ee Maxamed Biixi iyo Inuu ka dhex tartamayo WADDANI ayaa ifka u soo baxday, waxaanay arintaasi soo kordhisay dareen kale iyo saamayn siyaasadeed oo uu ku sadbursanayo Maxamed Biixi,islamarkaana uu taageero badan kaga helayo Beeshiisa.