“Haddaad Aragto Siyaasad Ahaan Inaad Jabayso Oo Ay Kaa Jeeddo KULMIYOW Waxba Hantida Umadda Doorasho Aan Cidi Ku Rabin Ha Isugu Biimayn Waxaad Maraysaa Halkii..”Xil. Rayte

0
1006

“Maanta Waxa Uu Xisbiga WADDANI U Egyahay Sidii Uu Xisbiga KULMIYE Ahaa Wax Yar Ka Hor Doorashadii 2010, Waxaana Muuqata Is Baddal Dalkan Ka Dhacaya. Waxaan Ugu Baaqayaa In Sidii Sharafta Lahayd Ee Daahir Rayaale Oo Kale Uu Xilka Nabad Ku Tiriyo”.Xildhiban Rayte

Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo ka mid ah Xidlhibaanada hore uga soo digo rogtay xisbiga KULMIYE kana mid ah Xildhibaanada Xisbiga WADDANI ee ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa sheegay in xisbigii uu hore uga tirsanaan jiray ee KULMIYE u muuqdo cadceed casar joogta oo wakhtigiisii dhamaaday isaga oo ugu baaqay in aanu wakhti badan isaga lumin doorasho uu ogyahay in lagaga badinayo oo aanay umadda reer Somaliland mar labaad diyaar u ahayn in ay ku doortaan sidaa darteed inta goori goor tahay aanay hantida umadda qaadan.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) oo shalay ka hadlayay xafladdii Siyaasiyiinta Gobolka Hargeysa ugu soo digo rogteen xisbiga WADDANI ee Huteel Ambassador ka dhacday ayaa sheegay in xisbiga WADDANI maanta u eg yahay ama marayo halkii uu KULMIYE taagnaa wax yar ka hor doorashadii 2010 iyo sidii shacabku u soo wada galeen una doorteen xisbiga KULMIYE balse maanta KULMIYE noqday mid laga haajiray oo aanay cidina doonayn in ay mar kale dalka taladiisa ku soo noqdaan isaga oo xildhibaanku sheegay in dalku u baahan yahay is baddal dhaba oo dalka ka dhaca. Xildhibaan Rayte oo ka mid ahaan jiray xildhibaanada ugu firfircoon xisbiga KULMIYE muddo dheerna imika ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa sheegay in uu KULMIYE ugu baaqayo in uu si qiimo badan oo nabad gelyo ah talada dalka u sii diyaariyo wareejintiisa si la mid ah sidii Daahir Rayaale u wareejiyey.
Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) waxa hadaladiisii shalay ka mid ahaa: “Dhammaan waxaan soo dhawaynayaa Masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta maanta goostay in ay cududdooda WADDANI ku soo biiriyaan. Dhammaantood qofqof baan u aqaanaa waxaanan qirayaa in ay yihiin raggii xisbigan wax badan ku soo kordhin lahaa. Qof walba qiimaha uu leeyahay waan aqaannaa. Waxa uu Somaliland ka mudan yahay iyo waxa uu xisbiga ku soo kordhin karoba waan aqannaa. Xisbiga WADDANI maanta waxa uu u eg yahay sidii maalmihii ugu dambeeyey xukuumaddii UDUB ee doorashadii Madaxtooyada. Sidii xisbiga KULMIYE u ekaa ayay saansaanta maanta taagani u eg tahay WADDANI. Waxa muuqata in xisbiga WADDANI yahay xisbiga ku xiga xisbiga talada haya ee dalka hogaankiisa qaban doona”. Ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Jaamac Cali (Rayte) hadalkiisa intaasi ku daray:
“Haddaad aragto dagaal aad ku jabayso in uu kugu soo wajahan yahay, waxa fiican in aad is dhiibto oo aanad xoolo iyo naf toona ku bixin. Waxaan leeyahay KULMIYE waad muuqataa maanta in aad dagaalka siyaasadeed ku fashilmaysaan. Waar waxba kharashka umadda masaakiinta laga soo ururiyey ha iska kharash garaynina. Waar xoolaha umadda haku ciyaarina. Waar qunyar is dhiiba. Sidii Daahir Rayaale aayar isaga tiriyey xilka isaga dhiiba. Si nabad gelyo ah xukunka isaga wareejiya”.