Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani muddane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo qudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey munaasibad uu xisbiga Waddani ku soo dhaweynaayey siyaasiyiinta isbaheysiga ayaa waxaa uu ka hadley mansabyada uu xisbigu siin doono siyaasiyiintan.

Muddane Ciro waxaa uu sheegay in isbaheysiga Kulmiye ay ku heshiiyeen saami qeybsi ay ka heli doonan xisbiga hadii ay noqoto golaha dhexe , gudida fulinta , xoghayayaal  iyo hogaanka xisbigaba .

Sidoo kale gudoomiye Ciro ayaa waxaa uu ka hadley awoodaha uu leeyahay hogaamiyaha xisbigu oo ah xil ku cusub saxaada xisbiyada Somaliland  waxaana uu sheegay in awoodaha xilkaasi lagu qeexi doono  xeerka xisbiga isla markaana awooda gudoomiyaha xisbigu tahay sidiisii hore  waxaana uu yidhi

“Xilka gudoomiyaha xisbiga Waddani waa sidiisii , awoodihiisu waa sidiisii lakiin baahiyaha xisbigu gudoomiye kaliya kuma koobna , sidaas darteed waxaa la soo jeediyey in la sameeyo hogaamiye loona dhiibo xilal mihiim ah oo lagu qeexi doono xeerka  xisbiga hadii eebe idmo ” ayuu yidhi gudoomiye Ciro