Wasiir Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Aragtidiisa Siyaasiyiinta Isbahaysiga Ee Ku Biiray Xisbiga WADDANI.

0
812

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Siyaasiyiinta isbahaysiga Kulmiye oo muddo dheer Xukuumadda ka wada tirsanaayeen, inay ku biiraan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, kana digo rogtaan xisbiga KULMIYE.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada Wakiilada iyo aragtida Beesha Caalamka, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu u arko xilka Wasaaradda Gaashandhiga ee uu hayo tan iyo wakhtigii ay dhalatay Xukuumaddani, waxaanu ugu horayn, isagoo ka hadlaya aragtidiisa isbahaysiga ku biiray xisbiga Waddani uu yidhi “Dal baynu nahay,Dawlad baynu nahay, Dimuqraadiyad baynu sheeganaynaa qofku meesha uu doono ayuu ku biiri karaa, qof meel ku xidhan oo ku xabisani ma jiro, markaa haddii aynu sheeganayno dal Dimuqraadiya wax alaale wax dhibaato ah oo jira ma jirto, nin kasta Xisbiga uu doono ayuu gali karaa, dadkiisa iyo ficilkiisa ayaa la xukumayaa, ee muxuu Xisbi u galay lama xukumayo, Xisbiga uu doono ayuu gali karaa, Saaxibadayda aanu soo wada shaqeeynay, oo in muddo ahna meelna ahayn, haddii ay Xisbiga Waddani ku biireen wax dhibaato ah oo ku jirta ma jirto, iyagaa door biday inay ka baxaan Kulmiye, kuna biiraan Waddani”

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay in Isbahaysiga oo muddo dheer Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka wada tirsanaayeen in hadda Xukuumadda dhaliilo u soo jeediyaan iyagoo Mucaarad ah ayaa yidhi “saaxibadaydii aanu Xukuumadda ka wada tirsanayn, Kulmiyena isku ahayn haddii ay Waddani ku biireen dhib ma leh, balse hadalku waa inuu nadiif ahaada oo marka uu qofku nin weyn yahay waa inuu ka fiirsada wuxuu odhanaayo, inta aanu hadalku afkiisa ka soo bixin, waxaynu wada ilaalinaynaa jiritaanka Somaliland ee in aan cidina ku xad gudbin ayaa loo baahan yahay, anagu odhan mayno hebel baa sidana iyo hebel jagada uma qalma, qofna qalbigiisa laguma jiro, oo ILLAAHAY baa quluubta daalacda, ee saaxibaday haddii ay Xisbi ku biireen, aynu iska wada ilaalino hadalada turxaanta leh ee jiritaanka Somaliland lidi ku ah, waxaana loo baahan yahay Tartan nadiif ah iyo Siyaasada cad”

Wasiir Caddami mar aanu wax ka weydiinay go’aankii Madaxweynaha ee dhinaca Doorashada iyo siday Beesha Caalamka uga hor timid ayaa yidhi “Somaliland Beesha Caalamku ma xukunto wey ku mahadasan yihiin oo abaal baanu ugu haynaa inay wax ka geysteen Dimuqraadiyada la hirgalinayo, iyaga laftooda faan iyo foolad bay u tahay, marka Beesha Caalamka wixii wanaag ah ee ay sameeyeen ee Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka waanu ku amaanaynaa laakiin yeedhintoodu yaanay noqon imlaagii Ardayda la siin jiray, laakiin wixii umadda masiirkeeda gun iyo baar waanu is ognahay, inaga iska fikirayna, wax ceeb ahna kamaynu keenin, ee Caalamka hawshooda ha wato, teenana ha inoo daayeen, wixii loo soo tabcay, oo muddo loo soo tabcaayey, in aanay inaga khasaaroobin ayaa muhiim ah, inagama khasaaroobayso”

Wasiir Caddami ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Gaashandhiga ee aan wali laga bedelin tan iyo markii ay Xukuumaddani dhalatay ayaa yidhi “Haddii uu Madaxweynuhu igu sharfay iguna aaminay, xilka Wasaaradda, kuna adkaystay aaminadaas, waan uga mahadnaqayaa, in aan Wasaaradda joogana waa qadar iyo qoraal ALLE, in wax la isku bedelaana waa nidaamka dawladnimada, balse xilkaas uu Madaweynuhu ii igmaday daacad baan u ahay, oo dadkay daacad baan u ahay, oo dalkayga daacad baan u ahay”