Deg Deg :- Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Deeganka Dharkeyn-Geeyo Ee Gobalka Sool + Khasaaraha Ka Dhashey .

0
1158

Warar hor dhac oo aanu ka helayno gobalka Sool gaar ahaan deeganka Dharkeyn Geeyo ayaa waxaa ay sheegayaan  in halkaasi saaka dagaal  culusi ku dhex maray laba beelood oo wada deegankaasi isla markaana kala  ah Bahar-same iyo Qayaad  (Dhulbahante )  .

Si rasmi ah uma kala cada khasaaraha dhimasho iyo dhawaac ee soo kala gaadhey labada beelood ee walaalaha ah balse warar ay helayso shabakada Codkasomaliland.com ayaa waxaa  ay sheegan in dhimashadu gaadheyso ilaa 8 qof , dhawaacana wali  si rasmmi ah looma soo xaqiijin inta uu yahay , waxaana wararku intasi ku darayaan in aanay jirin wax ciidan ah oo wali kala dhex galay labadaasi beelood ee saaka dagaalkoodu bilaabmey  .

Dhawaan ayey ahey markii xukumada Somaliland iyo Salaadiinta ka socota guud ahaanba gobolada dalku ay halkaasi  ku soo afmeereen colaad in muddo ahba soo kala dhex taalay labdaasi beelood ee walaalaha ah isla markaana laga soo saaray  heshiis qodobo ah hase yeeshe u muuqda mid aan hirgalin

Dhinca kale waxaa xusid  in deegaandaasi uu dagaalku ka dhacay ay ku dhaw yahiin jiidaha ay fadhiyaan ciidamada qaranka Somaliland .

Fiiro Gaar :- Waxii warar ah ee ka soo kordha dagaalkan kala soco shabakada Codkasomaliland.com