Maxay Kala Yihiin Hoggaamiye Xisbi Iyo Guddoomiye Xisbi? – Qalinka: Maxamed Xaaji

0
904

Waa xillal aaney inta badan dadkeenu hore u maqal, sababtuna waa awoodda dawladnimadeena oo cabudhsan oo la’ amma aan haysan meel ay ka neefsato.
Maanta sida farriimihu igu soo gaadhayaan waxa la leeyahay Xisbiga Waddani ayaa saaxiibkay Xirsi ka dhiggaya dhawaan Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani, halka uu Guddoomiyuhu noqon doono Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Murashaxuna Cabdiraxmaan Cirro.
Halka ay su’aashu taal waxa ay tahay xisbi ma wada yeellan karaa Hoggaamiye iyo Guddoomiye Xisbi? Jawaabtu waa HAA waa uu wada yeellan karaa. Waayo waa laba xil oo aan shaqo isku lahayn oo kala duwan.
Hoggaamiye Xisbi waa masuulka ugu sarreeya ee xisbi leeyahay, waana qofka ay tahay in uu haggo siyaasadda xisbiga kana turjumo dhammaan aragtida xisbiga ee siyaasiga ah. Marka ay noqoto doorashada waa in uu noqdo qofka uga qayb galaya tartanka madaxtinimada.
Waxa se ay taasi ku xidhan tahay in awooddaa hore xubnaha xisbigu doorashadiisa raaciyaan, dhanka kale Hoggaamiyaha xisbiga ma aha xubbin la magacaabo ee waa xubbin Shirweyne in lagu doorta ay tahay.
Inta badan waxa leh Hoggaamiye xisbi dalalka dawladnimadoodu ay tahay nidaam Baarlamaan ”Parliamentary System”. Waa dalalka ay Raysal Wasaarruhu Hoggaamiyo eh.
Dalalka kale ee nidaamkooda dawladnimo ay tahay mid Madaxtooyo ”Presidential System” waxa siyaasadda maamulkeeda iyo madaxnimadeeda uga qayb gala Guddoomiyaha ama Murashaxa xisbiga oo la doortay.
Guddoomiye Xisbi waxa uu qabtaa shaqo ka duwan taa uu Hoggaamiyuhu qabto ee ah siyaasadda. Marka ay noqoto hawsha xisbiga isaga ayaa guddoomiya dhamaan shirarka Gollaha Dhexe, Shirweynaha, iyo magaabista xubnaha xisbiga wax aan ka ahayn hoggaamiyaha oo shirweynaha lagu doorto. Halka Guddoomiyaha ay doortaan xubnaha xisbigu.
Hawshii uu isku hayey Guddoomiyuhu ee ahayd hoggaaminta siyaasadda xisbiga, maamulista hawllaha xisbiga iyo u tartamista madaxtinada qaranka ayaa hadda sida muuqata uu xisbiga Waddani saddex u kala qaaday. Waana mid guul u muuqata oo aan shakhsiyan anigu soo dhaweynayo in dimuqraadiyadda Somaliland aad loo furfurro.
Waxa aan fillayaa in ay hadda aad idiinku kala cad yihiin labada shaqo ee ay kala qabtaan Hoggaamiye iyo Guddoomiye Xisbi?
Is-beddelka ku yimi Xisbiga Waddani waxa uu ka turjumayaa in uu xisbigu si weyn ugu diyaar-garoobay in uu tartanka doorashada ka qayb galo. Waxa se heshiiska hor dhaca ah ee i soo gaadhayaa uu sharci noqonnayaa marka xisbiga Gollihiisa Dhexe iyo shirweynihiisu aqballaan. Wa Bilaahi Tawfiiq.
Mohamed Hagi