Ceerigaabo: Maxaad Ka Og Tahay Shirkii Qarsoodiga ahaa ee Wasiir Cadaani La Yeeshay Beeshiisa ?

0
1174

Wasiirka wasaaradda warfaafinta,dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Wasiir Cadaani ayaa dhawaan shir qarsoodi ah magaaladda Ceerigaabo kula yeeshay beeshiisa,shirkan oo daarnaa in wasiir cadaani si hoose ula shaqeeyo xisbiga WADANI

oo ah xisbiga beeshu isku waafaqsan tahay taageeridiisa,waxa lagu heshiiyey in wasiir cadaani si dadban ula shaqeeyo xisbiga WADANI oo uusan is muujin isagoo ku jira dawladda,shirkan qarsoodiga ah ayaa ahaa mid ay ka soo qayb galeen madax dhaqmeedka beeshu iyo siyaasiyaasiintu,waxa kale oo la isku afgartay in wixii dhaqaale ah uu wasiir cadaani ku taageero xisbiga oo uu bixiyo qaadhaanka xisbiga WADANI,geestiisa wasiir Cadaani ayaa balan qaaday in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo beesha iyo xisbiga WADANI,waxa uu xoog uga hadlay wasiir

cadaani in aan wax xog ah laga helin kulanka qarsoodiga ah,balse hore ayey soomaalidu ugu maah maahday Nin Qudcud Dam ah Fartaagay ayaa la yidhi Fartaag,marka wuxuu filayey wasiir Cadaani in xogtiisa la qarin doono laakiin way qashifantay oo waa la helay xogtii iyo shirkii qarsoodiga ahaa ee uu wasiir Cadaani la galay Beeshiisa.
Mushkiladda jirta waxa weeyi xukuumadda Siilaanyo ayaa waxa ku jira labadii xisbi oo midna muxaafid yahay midna mucaarad yahay,sidaasi owgeed waxa lagama maarmaan ah inay masuuliyiinta daacadda u ah xisbiga KULMIYE ay maskaxda ku hayaan in qaar ka tirsan wasiiraddu la shaqeynayaan xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI,taasina ay dhabar jab ku tahay xisbiga KULMIYE madaama ay aamineen dhamaan wasiiradda

La soco xogo kale oo dheeraad ah oo ku saabsan xogtan

Qalinkii:Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com