Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Ee Gobollada Awdal Iyo Salel Is-casilaad Sababaysan Ku Dhawaaqay

0
929

Guddoomiyihii maxkamadda rafcaanka ee gobollada Awdal iyo Salel Md.Idiris Faarax Muuse, ayaa shaaciyey inuu iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee uu maxkamadda rafcaanka ka hayey.

Guddoomiye Idiris Oo Isaga oo Hargeysa ku sugan qaar kamid ah warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in dhibaatooyin garsoorka dalka ka jira dartood uu xilkaas isaga casilay,  “xilkii guddoomiyenimo waan iska casilay, waxana iscasilaadayda keenay dhaliilo faro badan oo garsoorka dhexdiisa iyo guddida caddaaladaba ku jira, kuwaas oo aan wakhtigan arkay inaan lala sii shaqayn Karin markii aan arkay waxyaabah socda, waxa aanu ka shaqaynaynaana waa caddaalad.” Ayuu yidhi guddoomiye Idiris.

Guddoomiyaha is-casilay, ayaa noqonaya masuulkii ugu mansabka sarreeyey ee bahda garsoorka si iskii ah iskaga casila, tan iyo markii uu guddoomiyaha maxkamadda sare noqday Aadan Xaaji Cali Axmed, waxana soo baxaya su’aalo badan oo la xidhiidha saluug dhinaca garsoorka ah oo gobollada qaarkood ay tirsanayaan.