Wasiir Samsam oo Ambalaas ku Wareejisay Agabar, xalisayna khilaaf ka dhashay Jaadka Boorame

0
1113

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa shaacisay in xal laga gaadhay khilaaf iyo muran ka dhashay cashuur lagu kordhiyay ganacsatada jaadka keenta magaalada Boorame, kaasi oo muddo dheer u dhaxeeyay dawladda hoose iyo Ganacsatadaas jaadka.

Wasiirka Maaliyaddu, waxay sidaasi ku sheegtay shir jaraa’id oo ay shalay ku qabatay magaalada Boorame ee Xarunta gobolka Awdal, waxaanay tilmaamntay in wixii cashuur kordhin ah ay xaq u leedahay wasaaradda maaliyaddu, dawladaha hoosane ay xaq u leeyihiin wixii xaqal xashiis ah.

“Waxaanu ku qancinay dawladda hoose inay iyagu qaadaan wixii xaqal xashiish ah ee magaalada gudihiisa ah, wixii kaantarool ah maaliyadda uun baa xaq u leh in ay cashuur ku qaado. Dadka ganacsatada ah in la dhibo maaha, sababta oo ah lacagta sharuurta ah ee ay bixiyaan ganacsatadu waa ta mushaharka lagu bixiyo , waa lacagta dawladaha hoose kabka looga jaro, waa lacagta wadanka lagu kala wado hadday caafimaad tahay, haddii ay waxbarasho tahay iyo haddii ay biyo tahayba,”ayay tidhi Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Wasirka oo hadalkeeda sii watay waxay intaas ku dartay “Ganacsatada waa in wixii khalad ahna loo sheego wixii ay innagaga gar leeyihiina la qaato, Isniintii ilaa maanta (Salaasadii) way socotay hawshu, ciidamada booliskuna si fiican bay noola shaqeeyeen, markaa runtii si wanaagsan ayay noogu dhammaatay oo aanu isu qancinay, qaadkuna intii uu kootarabaan geli lahaa in sidiisii cashuurta looga qaado ayaanu ku heshiinay.”

Maayarka magaalada Boorame, Maxamed Xuseen Maydhane ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeediyay waxaanu sheegay in ay la shaqaynayaan wasiirka wasaarada maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan waxaanu yidhi “Wax dhib ahi ma jirto wada shaqayn mooyaane, waanuna ku qasbanahay in aanu wada shaqayno, waa wasiiradayadii maaliyada, kamana maarano wasaaradda maaliyada, wada shaqayn cashuur ururineed ayaana naga dhexeeya, si fiican ayaanuna wax u wada qabanaynaa oo aanu u wada ururinaynaa cashuurta si dakhli ugu soo xaroodo dawladda.”

Geesta kalena, Wasiirka maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa gaadhi ambalaas ah ku wareejisay maamulka degmada Gabiley, kaas oo loogu tallo-galay in uu ka qeyb qaato hawlaha gurmada caafimaad ee degmada Agabar.

Munaasibad loo qabtay wareejinta gaadhigan Ambalaaska ah ayaa ka qabsoontay xarunta maamulka ee degmada Gabilay, waxaanaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ay ka mid yihiiin isu duwaha wasaaradda Caafimaadka Gabilay Dr. Jimcaale Daahir, Xoghayaha fulinta dawladda hoose ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuux Abokor iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabilay Cali Case.
Wasiirka maaliyada oo madashaasi hadal ka jeedisay waxaanu tidhi “Waxaanu maanta halkan u joognaa in aanu madaxda gobolka ku wareejino gaadhi Ambalaas ah oo ay leedahay Agabar, Ambalaaskaa ILLAAHAY khayr ha siiyee Maayarka Gabiley in badan ayuu igala hadlay oo runtii aan aad ugu amaanayo in uu had iyo jeer waxyaabaha ka dhiman deegaanka Gabiley uu ka hadlo oo uu soo gaadhsiiyo dawladda dhexe, muddo ayuu igu yidhi Agabar ayaa Ambalaas u baahan, imuu odhan Gabilay ayaa u baahan ee wuxuu igu yidhi Agabar ayaa u baahan, Ambalaaskii ayaan maantana idinku wareejinayaa.”

Isu duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Gabilay Dr. Jimcaale Daahir Cumar ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Marka hore waxaa mahad leh ILLAAHAY, marka labaad waxaynu u mahad celinaynaa wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ILLAAHAY ha ka abaal mariyo, miisaanka xasanaadkana ha ugu daro dedaalada ay ugu jirto in ay wax kaga qabato arrimaha bulshada ee asaasiga ah, maantana waxaynu ka guddoomaynaa gaadhi Ambalaas ah oo ay leedahay degamada Agabar.”

Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Gabiley Cabdiraxmaan Nuur Abokor, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Waxaan u mahad calinayaa wasiirka maaliyadda oo mar walba ka shaqaysa arrimaha bulshada, maantana Ambalaaskii todoba iyo tobnaad ku wareejinaysa degmada Agabar oo ka tirsan gobolka Gabilay, waxaan aad ugu mahad naqayaa iyada oo mar walba ka shaqaysa arrimaha bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo arrimaha isboortiska, waxaanan leeyahay wasiir dedaalkaaga halkaa ka sii wad, wasiirada kalena waxaan leeyahay ku dayda wasiir Samsam Cabdi Aadan sida ay ugu heelan tahay wax ka qabashada arrimaha bulshada.”

Xildhibaan Mahdi oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka Gabiley ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu si weyn ugu mahad naqay wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaanu yidhi “Qof kastaa wixii uu qabto sawirkiisa iyo summadii ayay ku taalaa, Marwo Samsam intii ay ku soo biirtay golaha wasiirada Somaliland aad bay uga dhex muuqataa gobolada Somaliland oo dhan, haddii aanu nahay xildhibaanada ka soo jeeda Gabilay iyo dhamaan bulshada reer Gabilay waxaanu kuu haynaa abaal aad iyo aad u wayn, haddii ay tahay tii abaaraha, hadday tahay tii caafimaadka iyo ambalaaskan aad hadda wado oo ah kii todoba iyo tobnaad, aad baanu kuugu mahadnaqaynaa tariikhda ayaana ku xusi doonta oo mahad naq uma baahnid, abaalka aanu kuu haynana waxaad naga heli doontaa maalinta aad noo baahato.”

samsam3-300x165