Somaliland oo ka Qeyb-galaysa Shir Dalalka Islaamka Uga Furmaya Dalka Malaysia

0
1117

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo diinta iyo awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shirre iyo Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa Arbacadda maanta ka qeyb-galaya shir caalami ah oo ay iskugu imanaayaan dalalka dunidda Islaamku oo ka furmaya Magaaladda Kuala Lumpur ee dalka Malaysia. Shirkaasi oo lagu soo casuumay dawladda Somaliland.
,
Shirkan oo Bishii June ay marti-qaadkiisa soo gaadh siisay Madaxweyne Siilaanyo Hay’adda samo-falka caalamiga ah ee Al-khair Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, oo hore loogu waxa uu u wakiishay inay matalaan labadan Wasiir oo khudbad ka jeedin doona shirkan oo ay kaga hadli doonaan xaaladda Somaliland iyo marxaladihii ay soo martayba.
Xubno ka mid qurbo-jooga Somaliland ee ku nool ama wax ka barta dalka Malaysia, ayaa weftiga Wasiirrada ku soo dhaweeyay madaarka Kuala Lumpur. “Waannu idiinka mahad celinaynaa haddii aad tihiin muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool Malaysia, Sida wanaagsan ee aad noo soo dhawayseen. Waxaanu idinka raali gelinayaa in aad in badan-na sugayseen oo qaar idinka mid ah ay ka yimadeen meello fog-fog. Farxad baaney noo tahay inaanu idiin imaado,”Ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre oo la hadlay dadkii ku soo dhaweeyay Malaysia.
Weftiga Somaliland ayaa lagu wadaa mudada ay dalkaasi joogaan inay kulamo gooni gooni ah la yeelan doonaan qaar ka mid ah saraakiisha dawladda Malaysia iyo dalalka kale ee dunidda islaamka ee ka soo qeyb galayba. Waxa kale oo la soo weriyay in Wasiirradu la kulmi doonaan jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan Malaysia.