Meedey Taladi Saami Qeybsiga Ee Siilaanyo Loo Igmaday ? Eng. Bashe Cabdi gaboobe.

0
788

Waxa golaha wakiilada la doortey 25 September, 2005.Waxaana lagu heeshiyey in mar qudha lagu galo xeerka doorashada golaha wakiilada 2005. Wixi ka dambeyana xukuumadda marka jirta sameeyso tiro koob dadweyne si lo helo saami qeybsi cadaalad ah. Waxa kalo aynu ognahay in seddex goor oo hore muddo kordhin loo sameeyey golaha wakiilada muddo xileedka Silaanyo.Taaso daliil cad uu ah in xukuumadda Silaanyo ku fashilantey waajibkeedi dastuuriga aha. Haddaba waxa la la yaabo ah in xukuumadda Silaanyo indha adeeygeeda ay fashil keeda ku eedeyso golaha wakiilada.

Eedda golaha wakiiladu waxa weeyaan waxey tallaabo sharci uga qaadi waayeen xukuumadda silaanyo ee muddada todobada sanno ee xilka ay haysay tira koob dadweyne sameeyn weydey. Haddaba marku muddo xileedki xukuumadda Silaanyo dhaamaadey July,2015 ayey codsatey in loo kordhiyo 22 bilood si loogu lammaano doorashada golaha wakiiladda iyago ku sababeynaya kharash dhimis iyo waqtigo laga faa’ideysto. Ka dib muran iyo mucaradada xoog leh oo axsaabta mucaaridku kala hor yimaadeen qorshahan oo markiba golaha guurtidu ansixiyeen aya maxkamadda dastuuriga go”aan ku soo saartey in doorashada lammaanan ee madaxtooyada iyo wakiiladda la qabto 28 March, 2017. Haddaba marki waqtiga doorashada soo dhawaadey aya madaxweyne Silaanyo iyo xisbiga Kulmiye oo qorshe gaar ah wata dabinka uu dhigeen labada xisbi ee mucaarid oo yidhi seddexda xisbi ha ka soo taliyaan saami qeybsiga. Wa halkaa, halka laysku dagey. halkey odhan la hayeen mee tiro koobki lagugu waajibay ayay dib ugu celiyeen oo yidhaahdeen adigu ka soo tali.

Madaxweyne silaanyona marku arkey dagenaantooda ayu dhinac iska dhigey sheekaddi saami qeybsiga markaasu fuliyey qorshihi ay Kulmiye isla ogaayeen oo ah in la kala qaado labada doorasho. Su’aashu waxey tahey meedey taladi saami qeybsiga ee laga sugaayey madaxweyne Silaanyo. Runti waxa ka soo baxey madaxweyne Silaanyo waxaan loo fadhiyiin oo ah ‘’Saami qeybsiga waxaan uu deynaya madaxweynaha la dooran doono’’, hadda ogaada todoba sanno ku dhawaad ayu fadhiyey oo laga sugaayey innu tiro koob qabto si loo helo saami qeybsi aan muran laheyn. Waxa yaabka yaabkisi ah in marki dawladdaha inna caawiya ee bixiyey kharashka dhawr dhisme ee xukuumadda kulmiye ku faanto runta uu sheegeen oo ku yidhaahdeen ‘’war wixi aad ku heeshiseen fuliya oo ha kala qaadina labada dooroosho ee 7sanno la sugaayey’’. ayey sidi dawladdi kacaanka ee Siyaad Barre soo abaabuleen dad ku muddaaharaadda oo aflagaadeya .

Marka miyaaney uu muuqaneyn in mar haddi madaxweyne Silaanyo xukunka ka degaayo innu doonayo innu albaabada uu soo laabo Ictiraafka Somaliland.”