“Jamaal Cali Xuseen Door Wayn Ayuu Ku Lahaa Soo Bixitaankii UCID, Xukuumaduna Xaq Uma Laha Inay Faro-galiso Xisbiyada” Guddoomiye Cirro

0
810

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga UCID oo muddo badan soo jiitamayay, waxaana uu Cabdiraxmaan Cirro sidoo kale ka hadlay wararka sheegaya inuu xisbiga KULMIYE farogalin ku hayo dhigiisa UCID.

Guddoomiyaha WADDANI ayaa sheegay inuu muruq badani kaga baxay Jamaal Cali Xuseen sidii uu soo saari lahaa xisbiga UCID, waxaana uu xukuumadda ugu baaqay inay faraha kala baxdo xisbiyada qaranka, waxaana uu yidhi:

“UCID waanka tirsnaan jiray runtiina iskumaanu dayin inaanu si rasmi ah u dhex-dhexaadino, laakiin cidii aanu aragnaba waanu kula talinaynay in khilaafka la dhigo oo xal aanu xisbigu ku bur-burin la gaadho, laakiin waxaan qabaa uun in soo bixitaanka xisbiga UCID uu Murashaxa Jamaal door wayn ku lahaa” Guddoomiye Cirro oo ka hadlaya in khilaafka UCID uu KULMIYE qayb ka yahay ayaa waxa uu yidhi:

“waxaan isleeyahay eedayntaas uu Murashaxa Jamaal u soo jeediyey KULMIYE waa laga yaabaa inay wax ka jiraan, waxaan ku talin lahaa uun in xukuumadda iyo KULMIYE iyo cid kale toona aanay xaq u lahay farogalinta xisbiyada”.