“saddexda xisbi, Saddexdooda guddoomiyeba way ka qayb galeen shirarka {wadahadalada Somaliland & Somalia}, intii meelood ee lagu qabtay……..kan Dubai-na, isga malaha xaqul-qalinkay malaha doontaanoo saddexduba way tageen….haddii sidaa dawladda kula qabaan oo ay tahay, waxaan u malaynayaa wax ay ummadda usoo wadaanba inaanu jirin” Mujaahid Xasan Guure, Guddoomiyaha siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland.

“Muuse Biixi Waa Ninka Keliya Ee Raggii Jabhada Ahaa ee dagaalna galay Ka Mid Ah, Immikana Wadahadalada {Somaliland & Somalia} Ku Jira …..Isaga Xil Gaara Saran, Su’aal Gaara Ayaan Weydiinayaa…”

“Muuse Wuxuu Joobjoog U Ahaa Intii Ragga Ee Uu Dagaal Galiyay Ee Ku Dhintay, Ayuu Usoo Joogay, Maanta Inuu Ragga Usoo Shaqo Tagey {Somaliland} Ku Taageero, Isaga Iyo Siilaanyo Midna Kamaanaan Fileyn”

Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka Somaliland oo galinkii hore ee maanta warbaahinta kula hadlay hotel Maansoor ee magaalada  Hargeysa ayaa waxa ay ka hadleen warar maalmihii u dambeeyay laysla dhex marayay, kaas oo sheegayay in ay ku biirayaan xisbi mucaaridka ah Waddani.

Muj.Xassan Guure oo ah guddoomiyaha madasha Wadatashiga ayaa waxaa uu sheegay in aanu jirin xisbi ay go’aansadeen in ay ku biiran, isla markaana wakhti xaadirkan aanay u muuqan waa siduu hadalka u dhigeye xisbi ay danahooda ka dhex arkaan oo ay ku biiri karaan.

Sidoo kale muj.Xassan Guure  ayaa waxaa uu tilmaamay in mustaqbalka xisbigii ay u arkaan in uu dalkan dantiisa wado ay ku biiri doonan balse wakhti xaadirkan  aanu u muuqan  xisbigaasi

” Saddex xisbi ee jira mid isaga murankiisu waxuu ku danbeyn doono la garan maayo lakiin xisbiyada jira mid aanu hunguri naga jiro in aanu ku biirno ma jiro waxaana ay ku xidhan tahay mawaaqifta ay ka qaatan arimahaas maanta jira ” ayuu yidhi mujaahid Xassan Guure, oo sidoo kalena su’aal laga weydiiyay ku sabsan guddoomiyaha/musharraxa xisbiga Kulmiye Mujahid Muuse Biixi Cbdi.