Cali Khaliif Oo Sii Socoshada Wada-hadallada Kooxdiisu Kula Jirto Somaliland Ku Xidhay In La Joojiyo Shirka Beelaha Sool & Buuhoodle Loogu Qabanayo Burco

0
1043
 Cali Khaliif Oo Sheegay Inaanu Xil Ka Qabanayn Somaliland Haddii Wada-hadalladu Guuleystaan Iyo Ku-xigeenkiisa Oo Sheegay Inuu Wefti Farriin Khaasa Sida U Diray Hargeysa

Kooxda Khaatumo, ayaa ku kala qaybsan Wada-hadallada ay Somaliland kula jiraan, waxaana Madaxweyne ku-xigeenka Kooxdaasi uu Cali Khaliif ku eedeeyay in Wada-hadallada Somaliland uu keli ku yahay.

Madaxweyne ku-xigeenka Kooxda Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali Haybe oo ka hadlayey Magaalada Buuhoodle Shalay, ayaa sheegay in Wada-hadallada Somaliland illaa hadda ay gaar u yihiin Cali Khaliif Galaydh oo Kooxdaasi hoggaamiye u ah, isla-markaana aanay jirin Qorshe la isla ogyahay oo ay la hor-tagayaan Dawladda Somaliland.

“Anigu ma qabo in Xilligan lagu deg-dego Wada-hadallada Somaliland, maaddaama oo xilligan Madax-dhaqameedka iyo Kooxda Khaatumo uu damac weyni u dhexeeyo oo xidhiidhka u dhexeeyaa aanu ahayn Mid hano-qaad ah. Ka Xukuumad ahaan (Khaatumo) wax la isla ogyahay oo wada-hadallada lala tagayo oo aan ogahay ma jiraan. Haddii waxa lala gole tagayo ay yihiin wax jeebka Cali Khaliif ku xeraysan talo lagu tanaadayo maaha, mid lagu gaadhayo Danaha aynu leenahayna maaha.” Ayuu yidhi, ku-xigeenka Cali Khaliif, waxaanu intaa ku daray, “Cali Khaliif wuxuu Hargeysa u diray Wasiir ka tirsan Khaatumo oo sida Dhambaal khaas ah oo isaga ka socda.”

Laakiin, Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay eedaymaha loogu jeediyay inuu si qarsoon u wado wada-hadallada Somaliland, ayaa sheegay inaanu wax gaar ah ka rabin Somaliland isla-markaana haddii ay Somaliland heshiis la galaan aanu wax xil ah ka qaban doonin.

“Anigu ma doonayo inaan maamulka Somaliland ku biiro, ma rabo inaan xil ka Qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxaan ka digayaa fara-gelinta ay ku hayaan siyaasaddeena iyo dadka maamulka Khaatumo ku Abtirsada oo ay kala qaybinayaan.”

Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Wada-hadallada Somaliland iyo Khaatumo ma soconayaan haddaan Faro-gelinta la naga deynin. Waar Maamul odhanaya adigaa Maamul ah oo waan kula shirayaa, Burco-na Qabaa’ilka Dhulbahante ayaan ugu yeedhayaa, arrintaasi arrin soconaysa maaha mana yeelayno. Markaa hadday Shirkaa nagu soo war-geliyaan iyo haddayna nagu soo war-gelinba Shir aanu wada leenahay oo soconayaa ma jirayo haddaan faro-gelinta la naga deynin.”