BURCO: Dhalinyarro Boqol Ka Badan Oo Laamaha Ammaanku Xabsiga U Taxaabeen

0
927

“Ganacsatada waxaan leeyahay Wax manfac leh Bulshadiina u keena”

Dhalinyaro ka badan boqol  ayaa laamaha amniga ee magaalada Burco Xabsiga u taxaabeen kadib markii lagu eedeeyay inay dadka ku dhacaan xaafada iyo suuqyada Magaalada Burco wakhtiyada Habeenkii.

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Qabo, ayaa sheegay in dhalinyartaasi ay ku hubeysan yihiin noocyada kala duwan ee Hubka Lagu qaato gacanta oo ay ka mid tahay Toorida iyo faashash.

Guddoomiyuhu Qabo, waxaa kale oo uu eedeeyay waalidiinta dhalinyartaasi la xidhxidhay oo uu sheegay inaanay masuuliyad iska saarin carruurtooda isla-markaana aanay ka war heyn falalka Budhcadnimo ee ay suuqa ka sameynayaan.

“Waxaa jira dhalinyaro budhcad ah oo habeenkii wareega oo dadka dariiqyada isku taaga, waxay baadhaan dhalinyarada iyo waayeelka, waxay ka dhacaan dadka Moobilada iyo saacadaha.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer oo Shalay Wareysi siiyay Star Tv.

Guddoomiye Maxamed Ibraahim Qabo waxaa uu digniin u diray Ganacsatada hub keena Gobolka Togdheer “Ganacsatada meelkasta oo ay joogaan waxaanu leenahay Bulshada wixii waxtar leh u keena, waxaad u keenaysaan Hub la isku dilo oo ay ka mid yihiin Faash, Baange iyo Toorey”