War Deg Deg Ah: Cali Khaliif Oo Heshiiski Kooxda Khaatumo Iyo Somaliland Cirka Ku Dubtay Soona Af-jaray

0
1215

War Deg Deg Ah: Cali Khaliif Oo Warbaahinta La Hadlay Iyo Arimo Somaliland Ku Saabsan Oo Uu Ka Hadlay.

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay inay isaga baxayaan wada hadalka ay kula jiraan Somaliland, hadii aysan joojin waxa uu ugu yeeray fara gelin iyo kala qeybin ay ku wadana dadka reer Khaatumo.

“War aniga meeshaas waxba kama rabo, waxba kama noqonayo, nimankaas fara gelin bey nagu hayaan, siyaasiyiinteena, odayaasheena iyo dadkeena ayay kala qeybinayaan”ayuu yiri Dr. Cali Khaliif.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu iska diiday inuu ka qeyb galo shirka ka socdo Burco oo uu ku tilmaamay mid lagu kala qeybinayo beesha Dhulbahante ee degta Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn sida uu yiri.

Wada hadalo u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo ayaa dhowaan bilowday, waxaana wada hadaladan looga gol lahaa, sidii meesha looga saari lahaa xiisadaha soo noq-noqday ee labada dhinac u dhaxeeya iyo in dadka ku nool gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.