Xukuumadda Somaliland oo xubno ka mid ah guddida Ictiraaf raadinta u diraysa dalalka dariska ah si ay ugala hadlaan xaaladdaha ka taagan Gobolka

0
994

Xukuumadda Somaliland ayaa wefti u diraysa dalalka jaarka ah gaar ahaan dalka Jabuuti oo la filayo inay u baxaan xubno ay ka mid yihiin Ambassador Cawil Cali Ducaale iyo Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah guddida Ictiraaf raadinta Somaliland. Illaa hada si rasmi ah looma oga goorta ay bixi doonaan, hase yeeshee waxa la filayey inay toddobaadkii hore baxaan, inaksta oo ay wararka qaarkood sheegayaan inay maanta u safri doonaan dalka Jabuuti, si ay u bilaabaan hawlaha loo diray.

Weftiga Somaliland ee tagaya dalka Jabuuti lagama hayo xog rasmi ah oo sheegaysa ujeedada socdaalkooda, hase yeeshee tibaaxaha soo baxayaa waa kuwo saadaalinaya inay kala soo hadli doonaan masuuliyiinta ay la kulmi doonaan xaaladaha ka soo cusboonaaday Siyaasadda Somaliya. Sidoo kale, waxa la filayaa inay kala soo hadli doonaan xoojinta xidhiidhadii ay sadexda dhinac wada lahaayeen si loo wanaajiyo isku xidhnaanta iyo in dib loo hagaajiyo xurgufihii ka dhashay Heshiiskii dekedda Berbera ee Somaliland iyo Imaaraadka.

Xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka ah ayaa wanaagsanaa rubuc qarnigii ay Somaliland jirtay, waxaanay dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ahaayeen kuwo wadashaqayn dhaw lahaa marka loo eego ictiraaf la’aanta Somaliland. Labada Dal waxay Somaliland lasamaysatay guddiyo ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada Amaanka, Ganacsiga iyo Siyaasadda, waxaanay Somaliland u qabteen hawlo farabadan oo ay ugu weynayd inay u fududeeyeen isku socodka xuduudka.