Turkiga oo Sheegay Inuu Kordhinayo Wada Shaqaynta uu la Leeyahay Somaliland

0
817

Qunsulka dalka Turkiga u fadhiya Somaliland Mr. Muzaffer Yuksel, ayaa sheegay in dalkiisu laban laabi doono taageerada uu u fidinayo shacabka ay walaalaha yihiin ee Somaliland, isla markaana mashaariico waxtar u leh Turkigu ka fulin doono Somaliland.

Mr. Yuksel oo Arbacadii ka hadlayey xaflad uu ku wareejinayey deeq raashin gaadhaya shan kun ton oo Turkigu ugu deeqay shacabka Somaliland masuuliyiin ka mid ahaayeen Wasiirka ganacsiga iyo Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo xubno kale dekedda Berbera ayaa sheegay inay waajibaadkiisa iyo ballanqaadkiisu yahay taageerada Somaliland.

Mr. Muzaffer Yuksel,ayaa sheegay inaanu ahayn markii koowaad ee Turkigu deeq raashin soo gaadhsiiyo Somaliland, isla markaana cadeeyey inay dhinacyo badan kala shaqeyn doonaan shacabka Somaliland, waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan caawino walaalahayaga Somaliland rag iyo dumar. Haddii ILAAHAY Yidhaahdo, waanu sii wadi doonaan la shaqeynta xukuumada Somaliland iyo shacabkooda mustaqbalka. Maaha keliya gargaarada bani’aadminimada, balse dhamaan dhinacyada kala duwan, sida arrimaha horumarka, dhaqaalaha, iyo maalgashiga, tani waa ballanqaadkayaga iyo waajibaadkayaga.”

Deeqdan dalka Turkigu oo ka kooban raashinka Sonkor iyo Daqiiq oo 28 bishan soo gaadhay dekeda Berbera ayaa la sheegay inay kaga jawaabayaan baaq hore xukuumada Somaliland uga codsatay taageerida dadkii ku caydhoobay abaarahii ba’naa ee ka dhacay dalka, isla markaana loo qeybin doono dhamaan gobolada dalka.

Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Adan Ismaaciil ayaa sheegay in deeqdan Turkigu ka dambaysay baaq hore xukuumada Somaliland iyo gudigii heer qaran ee Abaarahu u gudbiyeen, waxaanu yidhi “Xafladan aan kaga gudoomayno dalka Turkiga deeq raashin dhab shan kun kiish, oo ugu deeqeen dadkii abaarahu wax yeeleeyen, waxay ka dambaysay baaqii guddiga heer qaran ee abaaraha iyo Madaxweynaha JSL u direen xilligii abaarahu saameeyeen dalka, oo dalka Turkiga aanu walaalaha nahay ka soo jawaabeen, aadna uga mahadnaqayna, waanan ka gudoonay, sidoo kale hore shan kun oo Ton ayey noogu deeqeen sannadkii 2013.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Cumar Shucayb oo gebagebadii xaladaa ka hadlay ayaa yidhi, “Si weyn ayaan ugaga mahadcelinaynaa dawlada Turkiga mucaawinadan raashinka ah, hadii Ilaah yidhaado waxa loo qeybin doonaa sidii qorshahu ahaa raashinkan.”