Madaarka Berbera, Haamaha Shidaalka Iyo Warshadda Sibidhka Oo Noqday Qaybta Ugu Dambaysa Mashaariicda Xukuumadda Siilaanyo Rabto Inay Ku Faasaxdo Imaaraadka

0
1209

Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey waftigii Madaxweyne Siilaanyo ee ku sugnaa waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu kulammo gaar gaar ah la lahaa masuuliyiin xukuumadeed, madax ka tirsan shirkadda DP-World ee dhawaan xukuumaddu heshiiska rasmi ah la saxeexatay iyo ganacsato kale ayaa la sheegay in lagu soo qaaday mashaariic dhawr ah oo la sheegay in ay ku hoos jireen heshiiskii Dekedda Berbera sida haamaha shidaalka iyo mashaariic dhawr ah oo horumarineed oo heshiiskaasi qayb ka ah oo la sheegay in ay gacanta ku hayaan xubno aad ugu dhaw Aqalka Madaxtooyada.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay oo ka imanaya waddanka Imaaraadka Carabta ayaa tibaaxay arrimo aan wali si rasmi ah daboolka looga qaadin oo ay ka mid yihiin xaalka uu ku dambayn doono mustaqbalka Madaarka Berbera, Warshadda sibidhka ee Berbera iyo waliba haamaha shidaalka Berbera. Wararkan ayaa tibaaxaya in xukuumaddu waddo qorshe ay ugu xusul duubban tahay in ay maalgashi ugu hesho warshadda sibidhka ee Berbera inkasta oo duruufo badani warshaddaasi in muddo ah ku hareeraysnaayeen balse imika la sheegay in ay dawladdu u heshay kambani aan magaciisa la shaacin oo ay damacsan tahay in ay ku wareejiso kaasi oo ka dhisan dalka Imaaraadka Carabta iyada oo la sheegay in uu hawshaasi gacan weyn ka gaystay Wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Ambasaddor Baashe Cawil.

Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya dalka Imaaraadka ayaa sheegaya in ay soo xoogaysteen xogaha la xidhiidha damac weyn oo Imaaraadka Carabtu ka leeyahay Madaarka Magaalada Berbera oo uu doonayo in uu saldhig weyn ka dhigto isaga oo wakiil ka ah dalalka Khaliijka Carabta ee duullaanka ku haya waddanka Yemen iyo sidoo kale in uu madaarka soo dejiyo xoogag suga ammaanka shirkadda DP-World marka ay hawlaha ka bilawdo dekedda Berbera. Dhinaca kale waxa hadal hayntoodu badan tahay warar sheegaya in xukuumaddu haamaha shidaalka ku wareejisay shirkadda DP-World oo ay ka mid ahaayeen mashaariicda ku hoos jirta heshiiska dekedda inkasta oo aanay xukuumaddu wali ka hadal.
Lama oga xaaladda mashaariicdaasi waaweyni halka ay ku dambayn doonaan iyada oo aan la ogayn wakhtiga rasmi ahaan la shaacin doono bixin tooda iyo in ay ku dhammaan doonaan hab qarsoodi iyo suuba salaax ah oo ay ku lammaanaynayso heshiiskii weynaa ee Dekedda. Waftigii M/weynaha ayaa la sheegay in ay Berri oo Axad ah Imaaraadka uga sii gudbi donaan UK.