Hargeysa: Shilalka Baabuurta oo Batay iyo Dariiqyaddii Caasimadda oo xidhamay

0
2283

Waxa jidadkii xidhay Geerashyo, Taraafiga iyo Dawladda Hoose oo aan lahayn qorshe wax lagaga qabto

Toddobaadkii ugu danbeeyey waxa caasimadda Hargeysa ka dhacay shillal sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shicib ahaa oo marayey jidadka qaarkood, kuwaas oo inta badan loo aaneeyo inay u dhaceen farsama xumooyin ka yimaada wadayaasha gaadiidka, Jid xumada iyo hay’adaha ay khusayso arrintan ee Dawladda Hoose iyo Taraafiga oo aan lahayn qorshe ay waxa kaga qabtaan dhibaatada maalin walba taagan. Jidadka Hargeysa intooda badani waxay u xidhmeen dhawr arrimood oo ay ka mid yihiin Geerashyo waaweyn oo laga dhex samaystay wadooyinka, kuwaas oo isku qariya dadka iyo gaadiidkaba, isla markaana ay is hirdiyaan, iyadoo ay ka dhalato dhimasho iyo dhaawac nafeed isla markaana uu gaadiidka laftooda soo gaadho burbur dhaqaale. Dawladda Hoose ee Hargeysa waxay balan qaaday inay geerashyada iyo macradadaba magaaladda ka saarayso oo ay dajinayo meelo ka baxsan magaaladda, hase yeeshee in lagaga raro iska daaye waxa maalin walba soo badanaya inay geerashyada fur fur layaasha loo yaqaana xaafadaha dhexdoodii xidheen dariiqyo dhan oo halis ku ah carruurta yar yar ee ka soo baxaysa guryahooda.

Jidadka intooda badan waxa goo’gooyey Roobabka, waxaana u dheer dayactir la’aanta Dawladda Hoose, taasoo sababta in gaadhi god ka leexanayaa uu jiidho qof wadada dhinaceeda maraya, ama ba uu ku dhaco gaadhi kale, halkaas oo khasaare balaadhani uu saacad kasta ka dhaco shaaracyada caasimadda. Wadayaasha gaadiidka ayaa iyana ah kuwa ugu dhib badan, waana kuwa masuuliyadda inteeda ugu badan leh, waxay u badan yihiin dad aan aqoon u lahayn wado marista, mana helaan taraafik adag oo ku ilaaliya sharciga. Fitista ama Tukhaanku waxa uu noqday gaadiidka ugu badan ee sababa dhimashada iyo dhaawaca dadweynaha, waxaana keena dadka wata oo aan ahayn kuwo lagu halayn karo masuuliyadda dirawalnimo, waxaanay u badan yihiin kuwo qaadiraysan oo deg degsan.

Taraafikadda loogu talo galay inay wax ka qabtaan talaabooyinkan ayaad arkaysaa maalin walba inay yihiin kuwo cusub, waxaanay intooda badan u badan yihiin kuwo aan waayo aragnimo badan lahayn, halka ay ka ahayd in laga soo xulo booliiska ama loo qaato arday cusub oo sharciga iyo nidaamka wado marista garanaysa, isla markaana loo qoro mushahar ay kaga maarmaan shaxaadka gaadiidka iyo Dirawaliinta halaaga ku haya bulshada. Ma jirto ama maba muuqato wadashaqayntii iyo adeegii ay wada lahaayeen Dawladda Hose iyo Taraafigu, waxaad arkaysaa gaadhi wado ku dhex xumaaday oo maalmo yaala, ama ba geerash looga dhigay darriiq kumanaan gaadhi maraan oo aan la hayn wish lagaga fogeeyo wadada ama goose la geeyo si loogu ganaaxo.

Baabuurta Guran ama bidixda laga wado oo ah kuwa ay awoodaan inta badan dadka reer Somaliland iyo jidka oo ah dhinaca midigta ayaa iyana ah sababta ugu badan ee shilalka, kuwaas oo ay u hoosaasiyaan basaslayda oo sida ay doonto ka yeesha inay jidka u xidhaan iyagoo isku qariya gaadiidka iyo dadweynaha, halkaas na ay ka dhashaan shilalka ugu badani. Si kasta ha ahaatee shilalkii ugu danbeeyey waxay bulshada ku rideen walaac aan ka soo raynayn oo ay kala kulmeen hay’adaha Dawladda iyo gaadiidlayda aan keenayn qorshe ay kaga hortagaan dhibaatadda soo noq noqotay, waxaanay maqaaxi kasta oo goobaha lagu kulma baa ad ka maqlaysaa farrimaha xaal waaga ah ee ay Xukuumadda u dirayaan, kuwaas oo aan inta badan gaadhin, ama aan waxba laga qaban.