Danjire Baashe Cawil oo ka Hadlay Natiijadda Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Ee UAE

0
1133

Madaxweyne Siilaanyo oo Axadda u ambo-baxaya Dalka Ingiriiska Iyo Natiijadda Booqashadiisa UAE DUBAI-UAE-Wakiilk

Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka carabta (UAE), Mr. Baashe Cawil Cumar, ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay wax lagu qoslo xogaha malo-awaal ah ee wargeysyada Masar iyo Sacuudigu ka baahiyeen heshiiska maalgashiga ee Somaliland iyo Imaaraadka carabtu kala saxeexdeen, isla markaana aanu mudnayn jawaab laga bixiyo.”
Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta, Mr. Baashe Cawil oo weriye Maxamuud Walaaleye u waramay isagoo ku sugan magaalada Dubai ayaa shaaca ka qaaday in hawlahii Weftigii Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaaminayey ee booqashada ku joogay dalka Imaaraadka carabtu si wanaagsan ugu socdaan, kulamo kala duwana la yeesheen madaxda dalka Imaaraadka Carabta.
Baashe Cawil Cumar oo la weydiiyey inuu tafaasiil ka bixiyo halkay marayaan hawlahii wefdiga Madaxweyne Siilaanyo hogaaminayey u tageen dalka Imaaraadka Carabta iyo kulamada ilaa immika ay yeesheen, waxa uu yidhi “Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo hogaaminayey si wanaagsan ayey weli ugu dhex jiraan socdaalkoodii shaqo ay ku yimaadeen dalka Imaaraadka Carabta, wakhtigan waxay booqashadoodu maraysaa gebagabo, Ilaahay mahadii, mashaariico badan oo ku saabsan horumarinta dadka iyo dalka Somaliland way u hirgaleen.
Booqashada weftiga Madaxweynaha Somaliland, waxay inteeda badan ku wajahnayd balaadhinta iskaashiga iyo xidhiidhka u dhaxeeya labada wadan iyo mashaariicaha wadanka Imaaraadka Carabtu ka taageerayo shacabka Somaliland ee dhinacyada kala duwan leh, uguna muhiimsan tahay biyaha, waxbarashada, kaabeyaasha iyo kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadka heer-nololeedka bulshada Somaliland.”

“Waxa la filayaa In weftiga madaxweynaha Somaliland uga sii gudbaan dalka Ingiriiska socdaalkooda shaqo Axada soo socota Haddii ILAAHAY yidhaahdo, tafaasiisha socdaalka iyo hawlahii uga qabsoomay dalka Imaaraadka Carabta-na waxa faahfaahinteeda bixin doona weftigu markuu ku laabto dalka,”ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil oo la weydiiyey waxa ka jira warar wargeysyo Sacuudiga iyo Masar ka soo baxa ka baahiyeen heshiiska maalgashiga dekedda Berbera, kuna sheegeen inuu yahay qorshe wadamadda Maraykanka, Masar iyo Soomaaliya wada jir u wataan, waxaanu yidhi “Xaqiiqdii waa wax lagu qoslo, isla markaana ah xogo la mala-awaalay, mana mudna in wakhti lagu lumiyo.”
Safiirka Baashe Cawil, waxa hadalkiisu meesha ka saaray warar wargeysyo ka soo baxa dalka Sacuudiga iyo Masar ku baahiyeen xogo majara-habaabinaya xaqiiqada heshiiska maalgashiga dekedda Berebera ee dalalka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu wada jirka qalinka ugu duugeen, oo in badan oo warbaahinta caalamku ku baahiyeen muhiimada u yeelan doono shaqo-abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha dalka markuu soo baxay iyo saamaynta toga nee uu ku yeelan karo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland labada.