Reer Awdal Oo Mansabka Madaxwayne Kuxigeenka Ku Macneeyey Gacan-yare Iyo Xildhibaan Axmed Yaasiin Oo Soo Jeediyey In Raysal-Wasaare La Sameeyo Si Awoodda Loo Qaybsado

0
1104

“Dastuurka Marka La Eegayo Madaxwayne Kuxigeenku Wuxuu Qabtaa Wixii Madaxwaynuhu U Diro, Markaa Hadiiba Ay Beeli Ku Magac Qaadayso Waa In…” Xildhibaan Axmed Yaasiin Shekh Cali Ayaanle

Nidaamka dastuuriga ah ee Somaliland ayaa waxa uu dhigayaa inuu dalku qaatay qaab siyaasadeedka Madaxwayne iyo Madaxwayne kuxigeen iyadoo sidoo kalena uu jiro qaab kale oo ah raysal wasaare iyo Madaxwayne.

Hadaba inbadan oo ka mid ah bulshada Somaliland ayaa aamisan in dastuurku awoodda oo dhan siinayo Madaxwaynaha markaas jooga halka madaxwayne kuxigeenkuna gaanyare u noqonayo Madaxwaynihiisa, xaqiiqo ahaana waa sidaas balse siyaasad ahaan waa nidaamka ugu khilaafka yar sidoo kalena uguna tayada wanaagsan.

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka mid ah xildhibaanada Somaliland kana so jeeda gobolka Awdal ayaa ka mid ah dadka aamisan in xilka madaxwayne kuxigeenku hafarka ku yahay hadba cidda haysa gaar ahaan Reer Awdal oo mudadii ugu badnayd soo qabtay.

Xildhibaan Axmed Yaasiin ayaa sheegay in maadaama uu xilkani yahay mid beel dhani ku maga qaadayso loo baahan yahay in la kordhiyo awoodda shakhsiga qabanaya xilkaas lana gaadhsiiyo heer raysal wasaare, Xildhibaanka oo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Horta mid majecli, in reer Awdal iyo masaaridu ay niilkii noqdaan, oo masaarida ayaa haddii la yidhaahdo Niil-kii ayay qolo foosto biyo ah ka darsanaysaa way boodayaan laakiin booska Madaxwayne kuxigeenka in nala la arko waan soo dhawaynaynaa waayo dastuur ahaan madaxwayne kuxigeenku wuxuu xaq u leeyahay uun wixii uu Madaxwaynuhu u dirtay, had iyo jeerna dhinac waa ka maslaxd oo in xafiiska taladiisu midaysnaato maslaxd ayaa ku jirta dhinacna awood qaybsigii wuu yar dhaawacan yahay oo waxaad is odhanaysaa malaha in dastuurka lagu noqdo oo Raysal-wasaare iyo Madaxwayne la sameeyo ayay ahayd, mar haddii reero ku magac qaadayaan oo la leeyahay waxaas ayay leeyihiin wixiina aanay waxba fulin karayn waxaad is odhanaysaa malaha waxay ahayd aanu ku eedownee dastuurku xubinta awdal ka soo jeeda ama bariba haka timaade inuu awood siiyo” .

Inkastoo uu xildhibaanku afkiisa oo kaliya ku hadlay hadana shaki kuma jiro in inbadan oo ka mid ah beelaha darafyadu gaar ahaan reer Awdal ay aragtidaasi aamisan yihiin.