Qiimaynta Guurtida Ee Wakhtiga Loo Kordhinayo Wakiilada,Caqabadaha Dib U Dhigi Karta Doorashada Madaxtooyada Iyo Duruufaha Ku Xeeran

0
791

Golaha guurtida Somaliland ayaa la filayaa  inay bisha soo socota ka fadhiisan doonaan muddo kordhinta loo samaynayo golaha wakiilada Somaliland,kadib markii maxkamadda sare ee Somaliland go’aamisay in dib loo dhigo doorashada wakiilada lana qabto doorashada madaxtooyada bisha March ee sanadka soo socda ee 2017-ka.

Mudanayaasha golaha guurtida oo hadda fasax ku maqan oo ay kasoo laaban doonaan fasaxooda dhamaadka bisha tobonaad ee soo socota ayaa waxay guda gali doonaan hawlo culus oo horyaala,kuwaasi oo ah doorashooyinka la kala qaaday ee madaxtooyada iyo wakiilada oo ay go’aan ka gaadhi doonaan wakhtiga loo kordhinayo mudanayaasha wakiilada Somaliland iyo waliba suurta galnimada qabsoomida doorashada madaxtooyada ee wakhtiga loo asteeyey.

Ma jiro warar rasmi ah oo kasoo baxaya golaha guurtida Somaliland,balse xogo uu helayo wargeyska Saxan-saxo kana helay golahaasi ayaa sheegaya in golaha guurtidu qiimayn ku samayn doonaan carqaladaha ka hor iman kara qabsoomida doorashada madaxtooyada ee loo muddeeyey inay dhacdo bisha saddexaad ee sanadka soo socda ,taasi oo la sheegay inay ku beegmayso wakhti jilaal ah oo sababi karta in ay dadka reer guuraaga ah ku adkaato ka qayb qaadasha doorashada ee wakhtigaasi dhacaysa.

Waxaana warar aanu ka helnay guurtidu tibaaxayaan in uu shaki badan ku jiro in doorashada madaxtooyada wakhtigeedi ay ku dhacdo marka loo eego carqaladaha kala duwan ee ay u eegi doonaan golaha guurtidu oo keeni karta hadii ay guurtidu ku qancaan caqabadahaasi in mar kale muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda hadda talada dalka haysa.

Golaha guurtidu sidoo kale waxa uu qiimayn ku samayn doonaan marka uu madaxwaynuhu usoo gudbiyo kala qaadista doorashooyinka wakiilada iyo madaxtooyada,taas oo ay golaha guurtidu go’aan ka gaadhi doonaan muddada ay u cayimayaan in loo kordhiyo wakiilada ,iyaga oona qiimayn doona caqabadaha hor taagan qabsoomida doorashada golahaasi ee ay kamid ka yihiin saami qaybsiga kuraasta wakiilada ee gobolada dalka iyo samaynta xeerkii lagu soo doorana lahaa oo aan ilaa hadda la hayn,isla markaana qayb ka ahaa dib u dhaca ku yimi doorashada golaha wakiilada,lamina garanayo wakhtiga ay golaha guurtidu u kordhin doonaan mudanayaasha wakiilada Somaliland.

Dhinaca kale xogo uu wargeyska saxan-saxo ka helay golaha guurtida ayaa sheegaya in fadhiga la filayo in golaha guurtidu yeeshaan marka uu fadhigoodu furmo ay ku eegi doonaan golayaasha deegaanka ee dalka oo iyagana wakhtigoodu ku eeg yahay bisha tobnaad ee sanadka 2017-ka ,taasi oo keeni karta hadii iyagana loo qabto doorasho sanadka soo socda ay keeni karto culays dhaqaale oo dalka soo waajaha,madaama ay tahay doorasho iyaduna culeyskeeda leh oo lagu xasuusto doorashadii golayaasha deegaanka ee sanadkii 2012-kii xasaasiyadii iyo ismaan-dhaafkii siyaasadeed ee ay Somaliland ka dhex abuureen,waxaana suurto gal ah in golaha guurtidu qiimayn ku samayn doonaan sidii layskugu sal goyn lahaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka,taas oo muujinaysa in golaha wakiilada mudada loo kordhin doonaa ay noqon karto muddo hal sano ka badan si mar loo wada qabto labada doorasho ee wakiilada iyo deegaanka dabayaaqada sanadka 2017-ka.