Muwaadinkii U Horeeyay Ee Hindisay Warshad Soo Saarta Tamaashiirta Goobaha Waxbarashada

0
356

Mr. Cali Xasan Faarax waa mid ka mid ah shakhsiyaadka Somaliland ee aqoonta durugsan u leh qaababka ay u shaqeeyaan hannaanka bangiyadu, isagoo muddo aad u dheer oo ku siman tan iyo xiligii Ingiriiska ka soo shaqaynayay hawlaha bangiyada, sidoo kale wuxuu Cali Xasan Faarax aasaasay warshad samaysa tamaashiirta loo isticmaalo goobaha waxbarashada.

Mr. Cali Xasan Faarax ayaa markii kowaad waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sooyaalkiisii nololeed, marxaladihii uu soo maray iyo arrimo kale duwan oo uu ku muujiyey waxyaabihii uu bulshada dhexdeeda ka soo qabtay, waxaannu ka mid noqday shakhsiyaadka loo soo xushay inay ka mid yihiin hal-doorka saamaynta ku dhex leh bulshadiisa, isagoo arrimahan iyo kuwo kaleba kaga warbixiyey waraysi dhinacyo badan leh oo uu siiyay barnaamijka ku dayo muwaadinka dantaadda guud wax weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay, kaas oo uu soo agaasimay aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

“Waxaan ku dhashay magaalada Berbera sannadkii 1936-kii, magaalooyinkii aan ku soo barbaaray waxaa u badnayd Berbera iyo Burco, xiligii aan Berbera deganayn ma jirin iskuulo, waxaa laga soo noqday dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaa jiray malcaamado lagu barto qur’aanka iyo Carabi. Waxa aan iskuulka ka galay Sheekh, markii aan gaadhay galaaska 6aad ayaa Cammuud nala geeyay anniga iyo walaalkay. Sannadkii 7aad halkaas ayaan ku soo qaatay, markaan soo qaatay shahaadadii dugsiga sare waxaan imid Hargaysa, waxaanna i qaatay Bangigii Ingiriiska oo markaas cusbaa, xiligaasna 17 sanno jir ayaan ahaa, waayo da’daas la iskuma qori jirin ninkii shaqada i qorayay oo la odhan jiray Maxamed Muuse ayaa igu yidhi ha sheegan 17, waxaanan qortay 18 jir oo ah da’da la ogolaa.

Waxa aan halkaas ku bartay sida loola hadlo bangiyada iyo xidhiidhka dibadda, shaw waxay doonayaan in la i geeyo xarunta London, waxaa kaloo xiligaas bilaabmay halgankii lagaga soo hor jeeday gumaystihii Ingiriiska, waxaan ka mid ahaa niman la odhan jiray Al Madar, kuwaas oo iskuulada ka soo baxay, isla markaana shaqaale ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Cali Xasan oo ka hadlay taariikhdiisii waxbarasho iyo waqtigii u horaysay ee uu shaqo bilaabay.

Waxaannu intaas ku daray; “ninkii Ingiriiska ahaa ee haystay bangiga ayaa yidhi laba nin ayaa jira oo Hindi ah, isla markaana kala haysta bangiyada Boorama iyo Berbera ee shaqadaas qabta annigu Berbera ayaan ka saaray ninkii Hindiga ahaa, kadib markii imtixaan la iga qaaday, markii danbe markii xornimada la qaatay Xamar ayaa la iiga yeedhay, waxaanna la ii dhiibay bahal baasaboor ah oo quruxda aad yaabto, waxaanna la ii diray dalka Ruushka, waxaan ku maqnaa muddo laba sanno ah, meelo badan ayaan ka soo shaqeeyay baangigii Soomaaliya oo heer fiican aan ka gaadhay.”

Waxyabaha lagu soo xushay Cali Xasan Faarax waxaa ka mid ahaa inuu magaalada Hargaysa ka hirgaliyey wershad soo saarta tamaashiirta iskuulada wax loogu dhigo, taas oo qorshihiisu ahaa inuu waddanka oo dhan wada gaadhsiiyo wax-soo-saarkiisa, isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Daar yar oo Hargaysa ayaan shaqaale isugu keenay, waxaan markaas ka fikirnay waar maxaynu samynaa, waxaana igu soo dhacday tamaashiir in aannu samayno, dhagaxaan ayaanu keeni jirnay mishiinada yaryar ee hadhuudhka ayaan ku daqiijin jirnay, waanu sii sifayn jirnay, kadib waxaan ka soo saari jirnay tamaashiir aad u tayo fiican.”

Mr. Cali Xasan Faarax oo la weydiiyey sida fikirka hindisida tamaashiirtu ugu soo dhacday, waxa uu ku jawaabay; “Garan maayo sidii ay warshadaasi iigu soo dhacday, laakiin xliliga aan wershadaas furay waxay ahayd toddobaataneeyadii (1970s), markii Somaliland lagu dhawaaqay ayaan mar kale ku fikiray sidii aan wershadaas u furi lahaa, waxaan u tegay dawlada hoose ee Hargaysa, waxayna i siiyeen dhul u dhaw halka uu ku yaal hudheelka Kaah ee bariga Hargeysa, sidii aan berigii hore u sameeyay ayaan haddana u sameeyay waxaan u gaynayay qolada manaahiijta ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, wayna ansixiyeen.”

Comments

comments