Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasiyiinta Ku Bahoobay Garabka Isbahaysiga Oo La Filayo In Uu Bari U Bilaabmo Gunaanadka Wada Hadalkii Mudada U Socday Labada Dhinac Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
1064

Warar ay helayso shabakada wararka CodkaSomaliland.com kana helayso ilo wareedyo u dhuun daloola xisbiga WADDANI ayaa sheegaya in la filayo in maalinta bari ah ay dib u bilaabmaan gunaanadka wada hadaladii mudada dheer u socday siyaasiyiinta ku bahoobay garabka Isbahaysiga ee qaadacay doorashadii xisbiga KULMIYE ka dhex dhacday iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI.

Waxaana wararkani tibaaxayaan in kulankani la filayo inuu ka dhaco hotel Ambassador ee magaalada hargeysa isla markaana ay labada dhinacba is waydaarsadaan kana doodaan qodobadii ay hore uga wada hadlayeen ee ku jirey heshiiska ay garabkani usoo bandhigeen xisbiyada mucaaradka ah.

Waxaana xogahani ay noo shegeen in garabka isbahaysiga KULMIYE ay masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee wada hadalada uga qayb galaya usoo bandhigi doonaan hankooda siyaasadeed,taasi oo ay xogahani tibaaxeen in siyaasiyiinta garabkan ay doonayaan kuna doodayaan in xisbiga WADDANI laga siiyo laba mansab midkood oo kala ah mansabka gudoomiyaha xisbiga WADDANI gudoomiye Cirro dabadii iyo mansabka kale oo ah xoghayaha guud ee xisbiga WADDANi.

Lama garan karo in masuuliyiinta xisbiga WADDANI aqbali doonaan ama diidi doonaan labadan qodob ee ay usoo bandhigayaan siyaasiyiintu kuna astaysan hankooda iyo waliba halka ay sal dhigan donaan siyaasiyiintani madaama ay wada hadalo kula jiraan labada xisbi mucaarad ee WADDANI iyo UCID,balse xogaha ayaa tibaaxayaa in ay u dhaw yihiin inay ku biiraan xisbiga WADDANI oo wada hadalkoodu hadda gunaanad ku dhaw yahay sida ay iyaguba warbaahinta u sheegeen.