Wakiilka Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Qadiyadda Somaliland, Safar Uu Ku Yimid Hargeysa Iyo Arrimo Kale

0
819

“Waa Arrin Qariib ah in Soomaaliya u Aragto inay Somaliland ka mid tahay, laakiin Anigu Mar Aan Tagay Hargeysa….”Ergayga Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya, Michael Keating

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha  Soomaaliya iyo Somaliland Michael Keating, ayaa Sheegay  in aanay Siyaasadda Somaliland waxba ka khuseyn shakhsiyaadka reer Somaliland ee ka tirsan Dawladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Wakhtigan ka doonayaba, Maadaama oo Somaliland isku aragto dal ka madax-bannaan Soomaaliya.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay oo  Waraysi ay la yeelatay Warbaahinta Inner City Press ayaa wax laga waydiiyey  arrimaha Somaliland iyo aqoonsi-raadinteeda, Iyadoo La waydiiyay Su’aal Nuxurkeedu ahaa suurto-gelnimada wada xaajoodyo khuseeya arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, Mar warbaahinta inner City Press ay soo Xiganaysa hadal uu hore u yidhi Danjiraha dawladda Ingiriiska ee Qaramada Midoobay Peter Wilson.

“Maya, arrintaasi waxay khusaysay wakiillada Somaliland ku metelaya doorashooyinka Soomaaliya, laakiin ma aha wax khuseeya siyaasadda Somaliland iyo Soomaaliya.”ayuu ku Jawaabay Wakiilka Gaarka ah ee qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya.

Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa Sidoo kale la waydiiyay  mawqifkiisa la xidhiidha aqoonsi-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland maaddaama Hal Milyan oo qof oo reer Somaliland ahi qaramada midoobay ka codsadeen Aqoonsi caalamiya.

Wakiilka oo Su’aashaasi ka jawaabaya ayaa yidhi.“Way caddahay in Somaliland ay isu-aragto inaanay ka mid ahayn Soomaaliya, hase ahaatee midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo dal kale toona sidaas uma aqoonsana. Waa arrin qariib ah in Soomaaliya u aragto inay Somaliland ka mid tahay iyada, isla markaana Somaliland u aragto in ay ka madax bannaan tahay.”

Wakiilku waxa kale oo uu ka hadlay sidii loogu soo dhaweeyay Hargeysa oo safar ku yimid wakhti hore iyo waxyaabihii laga codsaday, “Anigu waan tegay Hargeysa, si diirran baana laygu soo dhaweeyay. Waxaana layga codsaday in aan door muuqda ka qaato ka warqabka arrimaha qaarkood, si dhakhso ahna aan qorshaha ugu darsado.”ayuu yidhi.