Siyaasigii Ugu Da’da Yaraa Somaliland Oo Ku Biiray Musharraxiinta U Tartamaya Jagada Madaxweyne Ku-xigeenka Ee Xisbiga WADDANI

0
941

“Siyaasi illaa 1963-2016 ummadda Qabyaalad ummadda la hor jooga loo adkaysan kari maayo ee Dhallinyaradu..” Musharrax Barkhad Jaamac Xirsi

Xoghayaha Cadaaladda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Xirsi, oo ka mid ah Dhallinyarada Somaliland ee Wax-bartay, ayaa Shalay ku dhawaaqay inuu Xisbiga WADDANI dhexdiisa uga tartamayo Musharrax Madaxweyne ku-xigeen.

Sidaana wuxuu ku sheegay Shir-jaraa’id oo uu Shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Barkhad Jaamac Xirsi wuxuu sheegay in Hantidiisu tahay Karti iyo Kalsooni, sidaa daraadeedna uu ku kalsoon yahay inuu Dadkiisa iyo Dalkiisaba wax muuqda u qaban doono haddii Hammigiisa uu rumoobo, maaddaama buu yidhi la joogo wakhtigii Dhallinyaradu toos ugu biiri lahaayeen Siyaasadda Dalkooda oo ay si muuqda Talada Dalka ugala wareegi lahaayeen Siyaasiyiinta Da’da ah.

Barkhad oo Arrimahaa ka hadlaya isla-markaana ku dhawaaqaya Musharraxnimadiisu wuxuu yidhi, “Hantideydu waa karti iyo kalsooni, hankeyguna waa in Qarankeenno ku naalooda caddaalad, sinnaan, midnimo, walaaltinimo, wax-wada-lahaanshiyo, is-tixgalin iyo talo-wadaag.

Maanta oo ay taarikhdu tahay 28/09/2016 (Shalay) waxaan si rasmi ah u iclaaminayaa inaan u taaganahay jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI.

Kadibi markii aan ku qancay in Xisbiga WADDANI yahay Xisbi u diyaar ah isbeddel ku dhisan horumar iyo caddaalad.

Kadib markii aan daraaseeyey xeerka xisbiga gaar ahaan qodobkiisa 11 fiqradihiisa 2aad 4aad.

Kadib markii aan eegay siday ku iman karto Somaliland ku wada naalooto caddaalad, sinnaan, is-xurmayn, wax wada lahaansho, midnimo,

kadib markii aan ku qancay hoggaanka sare ee xisbiga waddani sida dhalinyarada ugu dhiiriyo isbedel cilmi iyo caqli ku dhisan oo dalkan lagu badbaadin karo himiladiisana lagu gaadhi karo.

Markii aan ku qancay in dhallinyarada dalku hankoodu ku koobnayn Golayaasha Deegaannada dalka, balse ay jiraan qaar badan oo kamid ah una diyaar ah hanashada hoggaanka sare ee dalka.

Kadib markii aan arkay in ay mihiim tahay in qabyaaladda umaddan la dhex dhigay lagu daaweeyn karo qalin qorshe iyo qaabeysan oo qarannimadeenu kula jaan qaadi karto dunida casriga ah.

Kadib markii aan qiimeeyey sawirka siyaasadeed ee Somalilland iyo soo gelitaanka dhalliyarada ee Masraxa siyaasadda. Haddaba waxaan u sheegaa Qof kasta oo ka mid ah dhalinyarada dalku inay ku soo dhiiradaan siyaasadda una diyaar garoobaan hanadasha hoggaanka sare ee dalka wakhti danbe oo la eegto siyaasi ilaa 1963-2016 ummadda hor joogaa loo adkeysan Kari maayo oo Qabyaalad ummadda la hor jooga, lana jaanqaadi kari hanaanka cusub ee dunidu gashay ee ku dhisan tiknoolajiyadda casriga ah. Balankeenu waa isbeddel ku dhisan cadaalad iyo horumar. Guul iyo gallad Eebe guudkeena ha ahaato..Gobey liico ha jabin.”